Madaxweynihii Mali oo is-casilay kalana diray baarlamaanka

Image

BOMAKO, Mali - Saacado kadib markii ay xorriyadda ka qàadeen ciidamadda, Ibrahim Boubacar Keïta, madaxweynihii Mali ayaa khudbad uu telefishinka ka jeediyey isku casilay isla markaana kala diray baarlamaanka.

Milatariga iyo mucaaradka ayaa doonayey in uu xafiiska badaneeyo Ibraahim si loosoo afjaro qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay dib u doorashadiisa iyo in uu mar saddexaad u tartamo xilka ugu sareeya dalka.

"Ma doonayo in uu dhiig u daato si aan xukunka usii joogo," ayuu yiri, isagoo aanan ka warbixin xaalada ra'iisul wasaarihiisa Boubou Cissé kaasoo qudhiisa ay gacanta ku dhigeen ciidamadda gadoodka sameeyay.

Ciidamadda careysan oo gadoodka kasoo bilaabay xero ciidan oo magaala madaxda Bomako u jirta 15 KM ayaa rasaas teel-teel ah ridayey xilli dhalinyaro ay boobeen xarumo dowladeed oo caasimada ku yaala.

"Hadii qayb kamid ah ciidamadeena ay go'aansadeen in ay faragelin milatari kusoo gabagabeeyaan [qalalaasaha siyaasadeed]; aniga wax miyaan dooran karaa," ayuu yiri, isagoo iska fogeeyay in uu caro qaadey.

Saraakiisha hogaamineysay ciidanka gadoodka sameeyay oo kolkii hore la wareegay saldhiga Kati ayaanan adeegsan ergayga "afgembi" kaasoo qaar kamid ah diblumaasiyiinta ku qeexeen xaaladda waddankas.

Carada ka dhanka ahayd dowladda Ibraahim waxay xitaa ka dhex-jirtay ciidamadda maadaama qaarkood aysan mushahar qaadan muddo badan isla markaana waddanka jilbaha dhulka u dhigay musuqmaasuq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta oo Joojiyay Heshiiskii Badda ee Itoobiya iyo Somaliland

Itoobiya ayaa dooneysay inay hesho 20 kiiloomitir oo dhul ah si ay ugu samaysato saldhig ciidan iyo dekad ay ku xirto.

  • Afrika

    07-09-2025

  • 12:56PM

Madaxweynaha Kenya oo lagu wado inuu xarigga ka jaro biyo-xireenka Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in Masar darteed u diiday casuumaadda Abiy Axmed, ee ka qeybgalka xarig-jarka biyo-xireenka Nile.

  • Afrika

    07-09-2025

  • 12:25PM