Magacaabidii Abiy ee xoghayaha fulinta IGAD oo aan dhaqan-gelin

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa 22-kii October 2019-kii, wuxuu Workneh Gebeyehu u magacaabay Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD.

Magacaabida Gebeyehu ayaa waxay dhaqan-galeysaa 1-da November oo Jimcada maanta ah, sidda ku xusan warqadda oo nuqul kamid ah uu loo dusiyey warsidaha Garowe Online.

Illo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa xaqiijiyey in Wasiirkii hore ee Itoobiya u qaabilsanaa Arrimaha Dibadda haatana ah Agaasimaha xafiiska UN-ka ee Nairobi, uusan shaqo gelin.

Macluumaadyo lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxaya in "loo sheegay" Mr Gebeyehu uu sugo xaqiijin rasmi ah oo uga timaada Shir Madaxeedka IGAD, kaasoo isbuucyada soo aadan qabsoomaya.

Hogaamiyeyaasha ayaa la rajeynayaa in ay go'aan ka gaaraan cidda qabaneysa xilka Gudoomiyaha iyo Xoghayaha Fulinta, kuwaas oo la aaminsan yahay in uu khilaaf ka jiro.

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa lagu waramayaa in ay dalbadeen isbedel lagu sameeyo jagooyinka muhiimka ah ee Urur Goboleedka ay ku midansan yihiin dalalka Bariga Afrika.

Itoobiya iyo Kenya oo sideedii sano ee lasoo dhaafay isku bedelayey xilalkan ayaa mar kale doonaya. Abiy wuxuu horaantii 2019 qiray baahida dib u habeyn lagu sameeyo xilalka IGAD.

Shir la qorsheeyay in uu Kenya ka qabsoomo oo ay isugu yimaadaan madaxda dalkan ayaa baaqday bishii October, sababo ku aadan magacaabidii Abiy oo xiisad holac kusii shiday.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa waxay ku warameysaa in ismaandhaafka uu hakad geliyay qaar kamid howlihii muhiimka ahaa ururka.

IGAD oo ka shaqeeya iskaashiga dalalka ee ganacsiga, amniga, siyaasadda iyo nabadda ayaa dhidibada loo taagey 1986-dii. Soomaaliya oo aas-aaseyaasha kamida wali xil sarre kama qaban abid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM