Magacyadda Xildhibaanada loo xiray in uu casuumay taliyaha NISA

Image

NAIROBI, Kenya – Warbaahinta gudaha Kenya ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay magacyadda mudaneyaasha loo xiray in ay todobaadkan socdaal qarsoodi ah ku yimaadeen Muqdisho, caasimadda dalka Soomaaliya.

Iyaddoo tirada xubnaha la qabtay ay gaareyso 11, Talafishinka maxaliga ah ee Citizen Tv ayaa daabacay magacyadda xubnahaas oo uu ku socday baaritaano dheeraad ah.

Magacyadda ayaa kala ah;

Ahmed Kolosh oo laga soo doorto Galbeedka Wajeer

Ibraahim Cabdi oo laga soo doorto Lafey

Rashiid Qaasim oo laga soo doorto Bariga Wajeer

Maxamed Xire oo laga soo doorto Lagdera

Cumar Maalin oo laga soo doorto Bariga Mandhera

Bashiir Cabdullaahi oo laga soo doorto Waqoyga Mandhera

Aadan Xaaji oo laga soo doorto Galbeedka Wajeer

Kullow Maalin oo laga soo doorto Banisa

Aadan Cali Sheekh oo laga soo doorto koonfurta Wajeer

Maxamed Daahir oo laga soo doorto Dadaab

Axmed Baashe oo laga soo doorto Tarbaj

Dhamaan xubnahaan ayaa la tilmaamay in laga qabtay garoonka diyaaradaha Wilson xili ay la socdeen diyaarad qaas ah oo ka duulisay magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, sidda ku xusan warbixinta.

Su'aalaha ay wajahayaan ayaa la xiriirta ujeedka safarkooda, hadii uu ogaa afhayeenka baarlamaanka iyo in ay ogolaanshiyo qaateen.

Warar horudhac ah ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in xubnahaas ay la kulmeen Fahad Yaasiin Daahir, taliyaha sirdoonka Soomaaliya, kaasoo ah shaqsiga ugu awooda badan dowladda madaxweyne Farmaajo.

Illo lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxay in wadahadaladda ay daarnaayeen xiriirka sii xumaanaya ee Soomaaliya iyo Kenya; si lamid ah xiisadda siyaasadeed ee ka dhex-aloolsan Villa Soomaaliya iyo Jubaland.

Sikastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa soo shaac-baxeysa iyaddoo Muqdisho iyo Nairobi ayaa muddooyinkii dambe hawada isu-mariyeen hadalo adag, taasoo la tilmaamay in ay sii xoojin karto khilaafka diblumaasiyadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM