Malawi oo amar dul-dhigtay qaxooti ay Soomaali ku jiraan

Image

LILONGWE, Mali – Dowladda Malawi ayaa kumanaan kun qaxooti ay Soomaali ku jiraan waxay ku amartay in ay si degdeg ah dib ugu laabtaan xero ay nolol adag ka jirto, talaabadaas oo ay kala kulantay cambaareyn caalami ah, sida ay warisay saxaafadda maxaliga ah ee waddankaas.

Richard Chimwendo, wasiirka arrimaha gudaha Malawi oo u waramay wakaaladda wararka AFP, ayaa daaha ka rogay in go’aankan uu la xiriiro walaaca dhanka ammaanka Qaranka ah kana imaaneysa qaar kamida muhaajirinta.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ay jiraan ku dhowaad 2,000 oo qaxooti ah ay degan yihiin bannaanka xerada ee Dzaleka, oo qiyaastii 40 kiiloomitir (30 mayl) waqooyi ka xigta magaalada caasimadda ah Lilongwe.

Xerada Dzaleka waa halka lagu qasbayo qaxootiga ah in ay tagaan. Balse, walaaca ugu daran waa in ay ka jirto nolol fool xun oo aad u tabar daran.

"Ma eryanayno iyaga, waxaana kaliya dooneynaa inay joogaan meeshii ay ahayd inay joogaan," ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha Richard Chimwendo oo la hadlay AFP. "Kuwa ganacsiga leh ... waa inay ka shaqeeyaan Dzaleka. Haddii ay isqabaan waa inay codsadaan deganaansho rasmi ah. Way joogi karaan halkii ay kaga baahin lahaayeen dalka oo dhan. Kuma celinayno wadamadooda".

Inta badan qaxootiga ayaa in muddo ah la noolaa muwaadiniinta dalkaas waxaana ay waddankaas ku yeesheen ganacsiyo iyo reer. Hasa ahaatee, go’aankan cusub wuxuu ku noqdey lama filaan iyo mid aanan u cuntami karin.

Kooxaha u dooda xuquuqda ayaa ku booriyay dowlada inay si sharaf leh ula dhaqanto qaxootiga ayna ilaaliso hantidooda maaliyadeed.

Hay'adda qaxootiga ee UNHCR ee Malawi ayaa sheegtay in amarkan uu yahay mid waafaqsan shuruucda xeryaha dalka, laakiin waxay kula talisay dowladda inay dib uga fiirsato.

Waqtiga kama dambaysta ah ee ay qaxootigu ku noqon karaan xerada waxay ahayd 28-kii Abriil, laakiin amar kasoo baxay maxkamadda daqiiqaddii ugu dambeysay wuxuu siiyey xoogaa neefsasho ah oo ah in ay si ku meelgaar ah ay baaqi ugusii ahaadaan goobaha ay hadda joogaan.

Qiyaastii 62 boqolkiiba qaxootiga waxay ka yimaadeen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, 23 boqolkiiba waxay ka yimaadeen Burundi, 14 boqolkiiba waxay ka yimaadeen Rwanda halka inta kale ay ka yimaadeen dalalka deriska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM