Mali: 20 qof oo u dhintay caabuq ay keento kaneecada una eg Hergab

Image
Fayruskan oo si degdeg ah ku faafa ayaa waxaa horey loogu arkay waddamo badan sidda Bangladesh.

NAIROBI, Kenya - Mas'uuliyiinta waddanka Mali ayaa sheegay in xumada ay sababto kaneecada ay ku soo badaneyso dalkaas oo la daalaa dhacaya weerarada kooxaha xagjirka ah iyo qalalaasaha siyaasadeed.

Agaasimaha guud ee caafimaadka iyo nadaafadda dadweynaha, Dr Cheick Amadou Tidiane Traore, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press Arbacadii shalay in waaxdiisu ay tirisay 21 dhimasho ah iyo 600 oo xaaladood oo la xiriira cudurkan.

Dowladda Maali ayaan si rasmi ah u shaacinin wax tirakoob ah oo ku saabsan cudurkan shacabka, sidoo kale ma aysan soo bandhigin in ay gargaar ka codsatay hay'adda WHO iyo in kale.

Iyadoo dalku uu ku jiro isbedel siyaasadeed oo uu wajahayo khatarta mintidiint xiriirka la leh Al Qaacida iyo kooxda argagixisada ah ee Daacish, cudurkan cusub oo ka dhasha qandhada kaneecada ayaa sababaya xaaladdo bini'aadantinimo, gaar ahaan dadka tirada badan ee barokacay.

"Xummada kaneecadda waxay sidoo kale ka jirtaa Burkina Faso iyo Senegal, waxaanan u baahanahay inaan kor u qaadno wacyiga dadweynaha," Traore ayaa sidaas yidhi.

Dengue waa caabuq fayras ah oo ay faafiso kaneecada oo inta badan sababa jirro u eg hargabka. Xaaladaha daran, waxay keeni kartaa kalagoysyo xanuun, qanjidhada oo barara, dhiigbax iyo dhimasho.

Dhanka kale, WHO ayaa kasoo warisay kiisas rikoor ah oo dengue ah sanadkan Bangladesh iyo Ameerika, kuwaas oo lagu arkay in ka badan 300,000 xaaladood iyo 4 milyan oo caabuq ah siday u kala horreeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashada Itoobiya waxay muujisay rabitaanka dimuqraadiyadeed ee dadka

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay ururku uga go’an tahay taageeridda dimuqraadiyadda dalalka xubnaha ka ah.

  • Afrika

    23-06-2026

  • 01:00PM

Kenya oo soo Gabagabeysay Tababarka Ciidamo loo Dirayo Howlgalka Cusub ee Soomaaliya

Tababarkan rasmiga ah ee ka hor daadgureynta oo ka dhacay Dugsiga Ciidanka Lugta ee Isiolo, ayaa diiradda lagu saaray u diyaargarowga dagaalka.

  • Afrika

    22-06-2026

  • 08:18PM