Dowlada Mali oo ceyrisay safiirka waddanka Faransiiska

Image

BAMAKO — Mali ayaa Isniintii sheegtay inay ceyrineyso safiirka Faransiiska kadib hadallo “cadowtinimo ah” oo uu jeediyey, tallaabadaas oo sare usii qaadeysa xiisadda kala dhaxeysa dalka horey u gumeysan jiray.

War-saxaafadeed laga akhriyey taleefishinka qaranka ayaa lagu yiri “Safiirka Faransiiska ee Bamako, Mudane Joel Meyer… waxaa lagu wargliyey go’aanka ay dowladda ku weydiisaneyso inuu dalka uga baxo 72 saac gudahood.”

Tallaabadan ayaa su’aalo cusub gelineysa taageerada Militari ee Faransiiska uu siiyo dalka Mali, oo dagaal socda 10 sano ka badan kula jira kooxo Jihaadiyiin ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Faranasiiska ayaa bayaan kooban oo ay soos aartay ku sheegtay “inay ka war-hayso qoraalka” waxayna intaas ku daray inay ku garab taagan tahay saaxiibadeeda Yurub iyo xulufadeeda howlgallada ka dhanka ah Jihaadiyiinta.

“Hadalladan waxay su’aalo gelinayaan sharci ahaanshaha iyo sharcinimada maamulka safiirka Faransiiska aqoonsaday,” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Mali Abdoulaye Diop oo la hadlay taleefishinka qaranka.

“Kuma aqoonsan karaa mas’uuliyiin aad adigaba aqoonsaneyn,” ayuu yiri.
Xiriirka labada dal ayaa xumaaday kadib markii ciidamada ay afgambi ku qabsadeen awoodda Bamako bishii August 2020, wuxuuna kasii daray markii afgambi labaad uu dhacay bishii May 2021.

Toddobaadkii tegay, Wasiirka Arrimaha Dibedda Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa weriyayaasha u sheegay in militariga Mali uu yahay “sharci-darro” islamarkaana go’aanadooda ay yihiin kuwa “mas’uuliyad darro ah.”

Wasiirka Difaaca Faransiiska Florence Parly ayaa sidoo kale maamulka Mali ku eedeeyey inay sare u qaadayaan “daan-daansiga” Faransiiska.

AFP

Related Articles

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM