Mareykanka iyo Kenya ka shiray "halista" kororsiga Farmaajo

Image

NAIROBI, Kenya - Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken, iyo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa yeeshay wadahadalo fogaan arag ah, sida lagu sheegay war qoraal ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa xustey in wadaxaajoodyada ay qeyb ka ahayd wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Nairobi Raychelle Omamo.

"Waxay ka wada hadleen iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Mareykanka iyo Kenya," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka oo lagu daabacay bogga internet-ka ee wasaaradda.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Xoghaye Blinken wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay nooga go'an tahay in aan la shaqeyno Kenya si aan u horumarinno danaha aan wadaagno ee dimuqraadiyadda, xuquuqda aadanaha, xiriirka dhaqaalaha, la dagaallanka musuqmaasuqa, qaxootiga iyo bulshada ay martida u yihiin, caafimaadka adduunka, amniga gobolka, iyo isbeddelka cimilada oo ay ka faa'iideysanayaan dadweynaha labada waddan - Mareykanka iyo Kenya.

Sida laga soo xigtay qoraalka, xoghaye Blinken wuxuu hoosta ka xariiqay walaaca Mareykanka ee dhibaatooyinka bani’aadanimo iyo xuquuqul insaanka ee ka socda Tigray, oo ay ku jiraan warbixinnada xadgudubyada, iyo halista muddo kordhinta waqtiga Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ay ku keeneyso xasilloonida Soomaaliya iyo ololaha ka dhanka ah al-Shabaab".

Farmaajo oo waqtigiisa uu dhamaadey 8-dii Febraayo, 2021 ayaa sameystay muddo kororsi laba sano taasoo horseedey isku-dhacyo hubeysan oo ka dhacay magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

"Xoghaye Blinken wuxuu xusey ka qeybgalka xoogan ee waarta ee Kenya ee dhinacyada badan waxayna soo dhaweysay fursada ah inay si dhaw Kenya ugala shaqeyso Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay arrimaha khuseeya caalamka," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

Mareyanka iyo Kenya ayaa kamid ah daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya si gaar ah ammaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab oo ah khatarta ugu weyn ee haatan wajahayo gobolka Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM