Mareykanka oo bogaadiyey shirka ay martigelineyso dowladda Jabuuti
DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti ayaa waxay taageertay wadahadaladda waddankaas uga furmaya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayay ku bogaadisay martigelinta shir-madaxeedka oo uu soo qaban-qaabiyey ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, isla markaana Washington qayb ka tahay.
Kaalinta Mareykanka ee kulanka ayaa la fahansan yahay in uu yahay korjoogto. Ka qeybgelayaasha waxaa kamid ah wakiilada caalamka.
Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee safaaradda Mareykanka ee Jabuuti ayaa shirka ku sifeeyay "mid taariikhi ah".
"20-sano kadib shirkii Carta, Ismaaciil Cumar Gelele maanta wuxuu martigelinayaa kulan kale oo taariikhi ah oo lagu horumarinayo dib-u-heshiisiinta iyo barwaaqadda Geeska Afrika. Waxaan bogaadineynaa dedaalkaas. Isbedelka gobolka waxay rajo gelineysaa dhamaan dadka ku nool Bariga Afrika," ayaa lagu yiri qoraalka kooban oo English lagu soo daabacay.
Dhanka kale, safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo soo dhaweysay kulankaan ayaa sheegtay in ay taageereyso "wadashaqeynta dadka Soomaaliyeed". Soomaalida ayay ku boorisay in ay taageeraan dedaalka socda.
Dowladda Farmaajo ayaa galeysa wadahadalka xilli uu shaki ka jiro qabsoomida doorashooyinka 2020-21 isla markaana laga digayo muddo kororsi. Xiriirka kala dhaxeeya maamuladana uusan ahayn mid fiican.
Mahad Maxamed Salaad, mudane ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa xoojiyey baahida loo qabay in Farmaajo xaliyo mushkiladaha ka taagan doorashada iyo khilaafka maamulada kahor shirkaan.
"Ninka aad kabo ka tolonayso kabohiisa ayaa la eegaa. Dowladda Federaalka ee sadexdaan Oday madaxda ka yihiin Dowlad Gobleedyadii xubnaha ka ahaa ayaa dagaal kala dhaxeeyaa, dab ayaana ka dhex holcaya, ilaa haddana waa lagu kari la’yahay dadka kaalaya la heshiiya. Haddaba sidee Madaxweyne Muuse Biixi iyo Shacabka uu madaxda u yahay ee Somaliland ku aamini karaan Odoyaashaan?!" ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Facebook.
Somaliland ayaa 1991-dii ku dhawaaqdey in ay ka go'dey Soomaaliya inteeda kale. Balse ma jiro aqoonsi ay ka hesho Beesha Caalamka oo wali u ictiraafsan maamul hoostaga xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.
GAROWE ONLINE