Kenya oo lagu wareejiyay diyaarado casri ah kadib weerarkii Manda Bay

Image

NAIROBI, Kenya – Lix diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca looguna talagalay aagaga dagaalka ayuu Mareykanka ku wareejiyay Kenya, sidda uu ku dhawaaqay taliska AFRICOM.

Hase ahaatee, taliyaha ugu sareeya ciidamada Kenya, ayaa sheegay in diyaaradahan aanan lasoo gaarsiin waqtigii loo baahnaa.

Diyaaradahaan oo ah kuwa uu Mareykanku farsameeyo ayay sheegeen in uu xoojin doono dedaaladooda baacsiga argagixisada Al-Shabaab.

"Iyaddoo diyaaraduhu xoojinayaan awoodeena goobaha dagaalka, haddana ma aanan helin waqtiga loo baahnaa," ayuu yiri Samson Mwathethe.

Heshiiska lagu siiyey diyaaradaha oo sanado laga soo shaqeynaayey ayaa imaanaya iyaddoo Al-Shabaab weerartay xerada Manda Bay, 5-tii Janaayo, 2020.

Saldhigaan wuxuu fariisin u yahay askar Ameerikaan ah iyo cutubyo kamid ah ciidamada difaaca dalka Kenya.

Maleeyshiyaadka xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa madaafiic ku ganay xerada kahor inta aysan qeybtooda gudaha ugu daadan.

Saddex Ameerikaan ah, hal askari iyo laba qandaraasleyaal ah, ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay weerarka oo haatan baaritaan culus uu ku socdo.

Wargeyska afka dheer ee New York Times ayaa daaha ka rogay in ciidamada Kenya ay ku dhuunteen Cawska intii weerarku socday, wallow eedeyntaas uu beeniyay Taliska Ciidamadda dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM