Mareykanka soo farogeliyey xiisada badda ee Soomaaliya-Kenya
NAIROBI, Kenya – Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqdey in ay soo farogelisay xiisada badda ee ka dhex-aloolsan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ee deriska ah.
Danjiraha Washington u fadhiya magaaladda caasimada ah ee Nairobi ayaa waxa uu shaaca ka qaadey in xukuumadiisa ay ku howlan tahay sidii ay xal ugu raadin lahaa khilaafka jira.
Kyle McCarter oo aan kala caddeyn hadii wadamada ay ku qanacsan yihiin dadaaladooda ayaa waxa uu kalsooni weyn ka muujiyay in aakhiritaanka xal kama dambeys ah la gaaro.
"Mareykanka waxa uu ka shaqeynayaan sidii uu u fududeyn lahaa is-afgarad la gaaro. Aniga waxaan aamnisanahay in Soomaaliya iyo Kenya ay sii ahaan doonan deirs fiican," ayuu xusay.
Isaga oo la hadlayey barnaamijka News Night ee muuqaal-baahiyaha Citizen ee dalka Kenya ayuu tilmaamay in kala taag-taaga haatan jira "uu madaxa sare ugu soo qaadey Al-Shabaab".
"Is-afgaradka waa xalka ugu wanaagsan. Labada dhinac si wadajir ah ayaan ugala shaqeyneynaa si xuduudka oo ay Al-Shabaab ka wado dhaqdhaqaaq u noqdo mid ammaan," ayuu raaciyey.
Mar la su'aalay hadii doorkooda uu yahay mid ay isugu keenayaan labada dhinac miiska wada hadal ayuu gebi ahaaba daaqada ka saarey arrintaasi.
"Haa," ayuu ku war-celiyey markii la su'aalay in ay hadda wadaan dadaalka, wuxuuse ku daray "Ma ahan mid aanan kuwada hadal-siineyno, Soomaaliya iyo Kenya, way awoodan in ay wada xaajoodaan".
Hadalka safiirka ayaa imaanaya iyadda oo Maxkamadda Cadaalada Aduunka ay muddeysay in bisha September dib loo amba qaadi doono dhageysiga dacwada labada dal oo ay Soomaaliya gudbisay Agoosto 2014-kii.
Tan iyo waqtigaasi, xukuumada Nairobi oo u han-qaltaageysaa in qadiyadan wada hadal lagu dhameeyay ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay kordhisay cadaadiska si Soomaliya wada hadal u ogolaato.
Xukuumada Muqdisho oo ku gacan-seyrtay isla markaana si dabacsan uga fal-celisay talaabooyinkaasi ay kamid yihiin dabcinta cilaaqaadka diblumaasiyadeed iyo xiritaanka sohdinta ayaa dalbatay in la dhowro derisnimada.
Dowladda uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta ayaa wadamada reer Galbeed si gaar ah Ingiriiska iyo Norway ku eedeysay in ay holac kusii shidayaan xiisada, waxayna tibaaxdey in ay cabasho ka geyn doonto Qaramada Midoobay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa waydiisatay in ay soo dhex-gasho xaaladan, isla markaana ay u kala gar-qaado.
Goobta ay isku haystaan labada dowladood oo ku taala Badda Cas isla markaana bad-keeda lagu sheegay 100 kilometer ayaa waxay hodan ku tahay noocyo kamda kheyraadka sida Shidaalka iyo Gaaska.
GAROWE ONLINE