Mareykanka oo uga digay muwaadiniintiisa booqashada Jabuuti

Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Safaaradda Mareykanka ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa muwaadiniinta Ameerikaanka ah u dirtay digniin ku saabsan in ay socdaalaan dalkaan dhaca Geeska qaaradda Afrika.

War-saxaafadeed kasoo baxay safaaradda oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu caddeeyay in talaabadan ay si toos ah ula xiriirto cabsida faafitaanka cudurka Covid-19.

Sidda ku xusan warka qoraalka ah, muwaadiniinta Ameerikaanka ah ayaa laga doonayaa in ay soo wargeliyaan safaaradda kahor inta aysan booqan ama ka bixin Jabuuti si loo qaado macluumaadyo.

Xiriirka ay la sameynayaan safaaradda waxaa looga qaadi doonaa xogo ku saabsan shaqsiyadooda, telefoonadooda iyo in la hubin doono caafimaadkooda.

Jabuuti ayaa kamid ah dalalka uu sidda xoogan u saameeyay fayruska. Illaa iyo haatan, waxaa lasoo wariyey ku dhowaad kun kiis, laba dhimasho ah iyo in ka badan 100 qof oo ka caafimaadey.

Dowladda Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo rogtay talaabooyin ay kaga hortageyso xanuunka, waxaana kamid ah; joojinta duulimaadyadda gudaha, dibadda iyo midka badda si lamid ah milatariga.

Madaxweyne Geelle ayaa wuxuu ku hanjabay in ay xoojin doonan bandowga, haddii uusan waxba iska bedelin hab-dhaqanka dadweynaha ee ku saabsan in aysan u hogaan-samin talooyinka caafimaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM