Martha Karua oo laga masaafuriyay Tanzania iyadoo dooneysay inay daawato maxkamadeynta Tundu Lissu
Dar es Salaam - Martha Karua, garyaqaan iyo siyaasi u taagan madaxtinimada Kenya, ayaa sheegtay in laga masaafuriyay Tanzania iyadoo dooneysay inay ka qeybgasho dhageysiga maxkamadda Tundu Lissu, hoggaamiyaha mucaaradka dalkaasi oo wajahaya dacwado ah khiyaano qaran.
Karua, oo horey usoo noqotay wasiirka cadaaladda Kenya islamarkaana si weyn uga hadasha hoos u dhaca dimuqraadiyadda Bariga Afrika, ayaa ku tilmaamtay masaafurinteeda in ay caddeyneyso in dowladda Tanzania aysan u diyaar ahayn in ay si cadaalad ah u maamusho dacwadda Lissu.
Waxay sheegtay in iyada iyo wafdi la socday la joojiyay isla markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee Dar es Salaam laguna celiyay diyaaraddii ay ku yimaadeen maalintaas oo Sabti ahayd.
“Waxaa nala xannibay iyada oo aan dambina naloo sheegin, waxaan rabnay oo kaliya inaan muujiyno taageero oo aan kormeerno maxkamadda Tundu Lissu,” ayey tiri Karua iyadoo ka hadleysay garoonka Nairobi kadib markay dib ugu soo laabatay Kenya.
Dacwad khatar ah iyo eedeymo culus
Tundu Lissu oo ah musharraxa ugu weyn ee ka horyimid Madaxweyne Samia Suluhu Hassan, ayaa lagu soo eedeeyay khiyaano qaran, dacwad ay ciqaabteeda noqon karto xukun dil ah. Xisbigiisa Chadema ayaa laga mamnuucay ka qeybgalka doorashooyinka madaxtinimo iyo kuwa baarlamaanka ee dhici doona bisha Oktoobar.
Karua waxay sheegtay in xisbiga talada haya ee Tanzania uu si sharci-darro ah u xiranayo musharraxiinta mucaaradka si aysan u helin tartan dhab ah doorashada.
"Arrintani waxay muujineysaa in dowladda Tanzania aysan damacsaneyn maxkamad cadaalad ah oo loo qabto Tundu Lissu,” ayey tiri.
Qalalaase siyaasadeed oo ka jira Bariga Afrika
Karua, oo ah musharrax u taagan doorashada madaxtinimada Kenya ee 2027, ayaa horraantii bishan u sheegtay AFP in dalalka Kenya, Tanzania iyo Uganda ay la daalaa-dhacsan yihiin burburka mabaadi’da dimuqraadiyadda.
“Dhammaan dalalkan waxay halis ku yihiin muwaadiniintooda iyo dariskooda labadaba,” ayey sheegtay.
Waxay intaas ku dartay in laga shaqeynayo in mucaaradka la wiiqo ka hor doorashooyinka la filayo, taas oo ay ku tilmaamtay “qaab nidaamsan oo la isku raacsan yahay”.
Karua waxay bishii Febraayo dhidibada u taagtay xisbi cusub oo la yiraahdo People's Liberation Party (Xisbiga Xoreynta Dadweynaha) si ay ugu tartanto madaxtinimada Kenya.
Karua ayaa sidoo kale si kulul u dhaleeceysay dowladda Kenya, iyadoo sheegtay in dalka uu ku jiro xaalad qasan oo lagu tuntay dastuurka.
“Waxaan aragnaa afduubyo, xabsi aan sharciyeysneyn, iyo dilal gacan ka hadal ah oo aan cidna mas’uuliyadooda qaadanayn,” ayey tiri.
Ururrada xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ugu yaraan 60 qof lagu dilay mudaaharaadyadii ka dhacay Kenya bishii Juun iyo Luulyo 2024, halka in ka badan 80 qof la afduubtay – qaar badan oo aan wali la helin.
Madaxweynaha Ruto ayaa dhawaan sheegay in dhammaan dadkii la la’yahay ay hadda ku sugan yihiin guryahooda, taasoo ay Karua iyo kooxdeeda shaki ka muujiyeen.
Karua ayaa sidoo kale u doodeysa siyaasiga mucaaradka ah ee Uganda, Kizza Besigye, oo sanadkii hore laga afduubtay Kenya loona dhoofiyay Uganda si loo maxkamadeeyo, isagoo wajahaya eedo khiyaano qaran.
Uganda waxay doorashooyin galeysaa bisha Janaayo 2026, waxaana dhawaan hanjabaad diray Taliyaha Guud ee Ciidanka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka madaxweyne Museveni.
“Qofkii aan si buuxda u taageerin Mzee (Museveni) ha iska ilaaliyo,” ayuu ku qoray bartiisa X (hore Twitter). “Khiyaanooyinka oo dhan waxaan uga masaafurin doonaa dadweynaha hortooda!”
Xisbiga Karua ayaa masaafurinteeda ku tilmaamay meel ka dhac lagula kacay dimuqraadiyadda iyo heshiisyadii ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), oo labadooda waddanba ka tirsan yihiin.
Waxaa muuqata in xiisadda siyaasadeed ee Bariga Afrika ay sii xoogeysaneyso xilli ay soo dhow yihiin doorashooyin kala duwan oo muhiim ah.
GAROWE ONLINE