Haweenay loo tarxiilayo "faafinta" fikrado ka dhan ah Jannada

Image
Mona Prince oo machlimad suugaanta Ingiriisiga ka dhigta ka ahayd Jaamacadda Suez.

QAAHIRA, Masar - Maxkamad ku taal Masar ayaa taageertay go’aan dalkaas looga ceyrinayo macalimad wax ka dhigata Jaamacad sababo la xiriira muuqaalo ay ku daabacday baraha bulshadda.

Muuqaaladaas oo si weyn ugu faafay baraha bulshadda si gaar ah Facebook-ga ayaa waxay muujiyeen iyada oo qoob ka cayaar ku sameyneysa saqafka sare ee gurigeeda.

Go'aanka maxkamadda ayaa ka dhigan in ay diidey rafcaan ay gudbisay Mona Prince oo suugaanta Ingiriisiga ka dhigta Jaamacadda Suez ee dawladda Masar ay maamusho.

Xukunka kama dambeysta ah ee xeerbeegtadda ayaa loo cukadey "in muuqaalka uu hoos-u-dhigey maqaamkeeda iyada oo ah borofisar jaamacadeed oo looga baahan yahay inuu ilaaliyo oo kor u qaado qiyamka".

Sidda laga soo xigtey wakaaladda wararka ee Reuters, sababaha kale ee maxkamadda cuksatay waxaa kamid ahaa in muuqaalkeeda uu faafinayo fikradaha ka soo horjeeda caqiidada jannada iyo nidaamka guud".

Jaamacadda Suez ayaa haweenaydan waxay shaqada ka cayrisay sannadkii 2018-kii ka dib markii wax laga weydiiyey muuqaallada ay soo dhigtay boggeeda Facebook.

Xukunka maxkamada ayaa ah mid kama dambeys ah oo ka mamnuucaya in ay ka shaqeyso jaamacado gaar loo leeyahay ama mid dowladeed kadib markii ay isku-dayday in ay kasii shaqeyso dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM