Masar oo fahfaahisay wadahadalkii Xasan iyo Al-Siisi

Image
Labada hogaamiye ayaa Khamiista todobaadkii hore waxay kuwada hadleen khadka telefoonka.

QAAHIRA, Masar - Madaxtooyada Masar ayaa shaacisay in madaxweyne Abdel-Fattah El-Sisi uu Khamiistii khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida laga soo xigtey xukuumadda Qaahira, wadahadalka ayaa diiradda lagu saarey xaaladihii ugu dambeeyay iyo tallaabooyinkii lagu soo celin lahaa xasilloonida iyo ammaanka Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa, sidda ay sheegtay Masar, wuxuu soo bandhigay sida dalkiisu u jecelyahay inuu horumariyo la tashiga iyo isku xirka Masar ee arrimaha gobolka ee kala duwan ee danaha guud.

Sidoo kale, wuxuu muujiyay "sida ay u daneynayaan in sare loo qaado iskaashiga labada dhinac ee heerar kala duwan, wuxuu ammaanay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo taageerada taariikhiga ah ee Masar ay siiso Soomaaliya".

Madaxweyne Sisi ayaa dhankiisa caddeeyay "sida ay Masar ugu hanweyn tahay xiriirka taariikhiga ah ee ay la leedahay Soomaaliya, isla markaana ay aad ugu daneyneyso danaha shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah si loo helo dowlad mideysan, xasilloon oo xooggan".

Sidoo kale, wuxuu soo bandhigay in Masar ay dooneyso in ay Soomaaliya ka taageerto sidii ay uga hortagi lahayd caqabadaha kala duwan gaar ahaan khatarta xagjirnimada iyo argagixisada".

Sisi ayaa sidoo kale wuxuu tilmaamay in Masar ay diyaar u tahay in ay "sii wado taageerada ay siiso Soomaaliya si ay u dhisto, una xoojiso hay’adaha dowliga ah, iyo in la dardargeliyo dhinacyada kala duwan ee iskaashiga labada dhinac ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga".

Wadaxaajoodka dhanka telefoonka ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii telefishinka Itoobiya uu sii daayay faallo maamulka Xasan Sheekh la xiriirisay TPLF balse xukuumadda Addis Ababa diidey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM