Masar oo toogatay shaqsi lala xiriiriyey weerar saraakiil lagu dilay

Image

QAAHIRA, Egypt – Masar ayaa toogatay Abdelrahim Mohamed al-Mesmari, Liibiyaan maleegay weerar argagixiso oo 2017-kii ka dhacay degaanka saxaraha ah ee galbeedka dalkaas dhaca, sidda ay sheegtay waaxda difaaca.

Al-Mesmari ayaa 2015-kii lagu qabtay howlgal lagu goobayey koox lagu eedeeyay weerarkaas oo galaaftay nolosha 16 sarkaal oo boolis ahaa.

Maxkamad Milatariga ayaa 2019-kii ku xukuntay dil toogasho, halka 39 kale lagu ridday xabsi daa'in ah, iyadoo 20 kale lagu waayey wax dambi ah.

Koox lagu magacaabo Ansar al-Islam ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas, oo xoojiyey walaaca ay ciidamada nabad-gelyadda Masar oo Jaziirada dalxiiska caanka ku ah ee Sinai kula dagaalamaya tan iyo 2013-kii.

Markii lasoo xiray, al-Mesmari ayaa u sheegay baareyaasha in la xagjireeyay kadib kacaankii lagu riday hogaamiye Muammar Gaddafi.

Sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta, al-Mesmari ayaa kadib ku biiray koox uu hogaamiyo Emadeddine Abdulhamid, oo ka tirsanaa ciidanka Masar.

Labadooda ayaa lagu waramayaa in ay lasoo shaqeeyeen sarkaal hore oo xagjirnimo isku bedelay, Hesham Ashmawi, kaasoo isla gudaha Masar lagu toogtay bishii Maaj sanadkan aynu ku jirno 2020 markii muddo uu maxbuus ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aamusnaanta Midowga Afrika ee qorshaha Masar ay ciidamo ugu dirayso Soomaaliya oo su’aalo dhalisay

Qorshaha ciidamada Masar ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli ay sii xoogaysanayaan loollanka istaraatiijiyadeed ee Masar iyo Itoobiya.

  • Afrika

    26-10-2026

  • 05:20AM

Ruushka oo Uganda siinaya taageero milatari oo dhan $53 milyan

Qalabkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ciidamada Uganda ee ilaalinta biyaha iyo ka jawaabista xaaladaha amni.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:58AM