Mas'uul kufsan rabay gabar 11-sano jir ah oo maxkamad lasoo taagay

Image

NAIROBI, Kenya - Maxkamad ku taala dalka Kenya ayaa waxaa kasoo muuqday maamulaha joogtada ah ee is-maamul goboleedka Taita Taveta, kaasi oo loo haysto kiis shacabku hadal-hayo.

Eric Ochieng ayaa lagu soo eedeeyay in uu sameeyay isku day kufsi oo uu kula dhaqaaqi rabay 11-sano jir ahayd, taasoo aanan lasoo bandhigin magaceeda

Eedaysanaha oo muuqaalkiisa aan la baahin ayaa la sheegay in uu ku qanciyay gabdha in ay soo gasho hoygiisa, isaga oo tusay xubintiisa taranka, 9-kii bishii hore ee Maaj.

Mas'uulka oo beeniyay dacwada lagu soo oogay ayaa lagu sii daayay damaanad lacageed oo gaareysa 49-kun oo dollar-ka Mareykanka ah, sida ay sheegtay xeer-beegtada.

Maxkamada ayaa go’aamisay in dib la isugu soo laabto 17-ka bishaan April, iyada oo dhageysiga gal-dacwadeedka uu dhici doono 5-ta May ee isla sanadkaan.

Kiisaska la xiriira fara-xumeynta ayaa indhowaanahaanba waxa uu aad ugu soo badanayaan dunida, inkasta oo ay socdaal dadaalo la doonayo in lagu soo afjaro tacadiyada ka dhanka ah haweenka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM