Mas'uuliyiin ku dhowaa Al Bashiir oo laga helay safmarka Coronavirus

Image

KHARTUUM, Sudan – Saddex kamid ah mas'uuliyiintii aadka ugu dhowaa hogaamiyihii la riday ee Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaa laga helay safmarka Coronavirus, sidda ay wararku sheegayaan.

Ali Othman Taha, Ahmed Mohamed Haroun, iyo Abdulreheem Mohamed Hussein ayaa xabsi ku jira tan iyo bishii April ee sanadkii 2019-kii.

Xuseen oo soo qabtay xilal kala duwan wuxuu soo noqdey Wasiiradda Difaaca iyo Arrimaha Dibadda. Si lamid ah, gudoomiyaha Khartuum.

Haaruun wuxuu soo noqdey Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, wasiiru dowlaha arrimaha bini'aadanimadda iyo gudoomiyaha Koonfurta Kordofan oo kamid ah meelaha colaaduhu la dageen ee ka tirsan waddankaas.

Dhamaantooda waxay xubin ka ahaayeen National Congress Party oo uu hogaamiye ka ahaa Al-Bashiir-na jeelka ku jira. Si lamid ah, waa maxkamad-sugeyaal loo haysto musuqmaasuq iyo dambiyo kale.

Intaas waxaa wehlisa, Haaruun iyo Xuseen waxaa baadigoobeysa Maxkamada Dambiyadda Caalamiga ah oo la xiriirineysa xasuuqii Daafuur.

Taha ayaa soo noqdey madaxweyne ku xigeenka Suudaan intii u dhaxeysay 1998-2013, iyo wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Carbeed.

Suudaan ayaa laga xaqiijiyey 4,346 oo ah cudurkaan dilaaga ah oo galaaftay nolosha 184. Balse, waxaa ka bogsatay 749, sidda ku xusan warbixintii ugu dambeysay ee kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM