Maxaa ka jira in Gabre lagu xiray Itoobiya?

Image

ADDIS ABABA - Wararka laga helayo Addis Ababa ayaa sheegaya in Ciidamada booliska dalka Itoobiya ay xabsiga u taxaabeen jimcihii shalay Gebregziabher Alemseged Abraha oo loo yaqaano “General Gebre” kadib markii lagu eedeeyay gabood-fallo iyo xad-gudubyo ka dhan ah bini'aadanimada, oo uu ka geystay gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Xukuumadda Cusub ee Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa soo saartey warqadda xariga Gabre, iyadoo doonaysa in Korneelkan lasoo taago maxkamad, islamarkaana la marsiiyo cadaaladda maadaama uu ku lug-yeeshay tacadiyo ka dhacay gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya xilligii ay jirtay xukuumaddii hore.

Gabre ayaa sidoo kale wajahaya dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin kicinta rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah xukuumaddda Abiy Axmed, oo ka dhacay caasimadda Jigjiga bishii Agoosto oo lagu diley daraasiin dad ah.

Korneelkan oo xiriir dhaw la lahaa Cabdi Illey, hogaamiyihii hore ee DDSI oo hadda xabsiga ku jira ayaa dhawaan laga eryaya IGAD, oo ka taliyaha gudoomiyaha Ururka arrimaha Suudaanta Koonfureed.

Mudada xukunka Cabdi Illey, kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa diiwaangeliyey dilal loo geystay boqolaal dad shacab ah, oo ay ku jiraan dad badan oo weli la la'yahay, loona maleynay inay dileen ciidanka Liyuu Boolis.

Col. Gebre ayaa lagu xasuutaa inuu Soomaaliya kusoo hogaamiyay ciidamada Itoobiya 2006 xilligii dalka qeybo kamid ah maamuli jireen maxkamadihii Islaamiga, oo dagaal looga saarey goobihi ay ku sugnaayeen.

Gabre mudadii ay jireen dowladihii Sheekh Shariif iyo Xasan ka ahaa Soomaliya hoggaamiye siyaasadda dalka saameyn ku leh, iyadoo marar badan laga gudbiyay dacwado inuu faragelin ku hayo arrimah gudah dalka, islamarkaana kaalin ka ciyaarayay khilaafyada siyaasadeed ee Villa Somalia iyo maamul goboleedyada.

Cabashooyinkii hogaamiyayaasha ka gudbiyeen mas'uulkan ayaa horseeday in laga qaado xilkii uu ka hayay xafiiska IGAD ee Soomaaliya, oo la taliye dhanka siyaasadda u qaabilsanaa.

Amnesty International ayaa ku eedeysay Gabre in ciidamadii uu hogaaminayay ee dalka kusoo duulay ay dileen 10,000 oo shacab ah, kuwaasi oo dilal arxan darro ah loo geystay iyo kufsiga dumar badan.

Xariga Gabre oo aan wali dowladda Itoobiya ka hadlin ayaa waxa uu kusoo beegmayaa maalmo kadib markii xawaallo wadareed ay ku aasan yihiin in ka badan 200 oo qof laga helay xuduuda u dhaxeysa gobollada Oromada iyo Soomaalida dalka Itoobiya.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed ayaa soo dhaweeyay xariga Gabre, isagoo ku tilmaamay war lagu farxo, maadaama sida uu sheegay ahaa shaqsi faragelin ku hayay Soomaaliya, kana qeyb qaatey xasilooni darrada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM

Madaxweyne Ruto oo Booqday Shiinaha Xilli Madaxweyne Trump Canshuurro Dul Dhigay Badeecadaha Afrika

Safarka Ruto ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanku uu dhaqangeliyay canshuur…

  • Afrika

    22-04-2025

  • 07:56PM