Maxaa ka jira in Qalbi Dhagax la siiyay Baasaboor diblumaasi ah?

Image

HARGEYSA, Somaliland - Cabdikariim Qalbi Dhagax, oo ah sarkaal ka tirsan ONLF, ayaa xilligan ku sugan Somaliland ayaa beeniyey in dowladda Itoobiya ay siiyey baasaboor diblumaasi ah, kadib markii laga soo daayey xabsi ku yaalla Addis Ababa.

"Ma jirto wax shaqo ah oo aan uhayo dowladda Itoobiya, mana jirto wax Passport diblumaasi ah oo aan ka helay waxaasi ugu dambeysay bishii Julaayo, markaasi oo aan sadex saacadood ku sugnaa garoonka," ayuu yiri Qalbi Dhagax.

Isaga oo u waramayey laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayuu Qalbi Dhagax sidoo kale sheegay inaanu tegi doonin magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isaga oo ka gaabsaday inuu fahfaahin ka bixin sababta uusan Muqdisho ugus oo wajahneen.

Mowqifka Jabhadda ONLF ayuu tibaaxay inuu wali yahay mid ay ku raadinayaan sidii gobolka Soomli Galbeed u heli lahaa xorriyad ka madax banaan dowladda Federaalka xili ay dagaal kula jirto xukuumadda Addis Ababa tan iyi 1991-di.

Qalbi Dhagax ayaa intaas ku daray in meesha xigta oo uu ka tegi doono Soomaali ay tahay degaanada Galmudug, halkaasi oo markii hore ay kasoo qabteen ciidamada Nabad-sugida xili uu ku sugnaa Hoteel ku yaala magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

"Maadaama aan noqdo mid ay Soomaali oo dhan ihiileysa, waxaan rabaa inaan ka shaqeeyo isku soo dhawaanshaha Umadda Soomaaliyeed. Mowqifka ONLF wali waa sidiisa, waxaana dooneynaa in gobolka uu noqdo mid ka madax banaan cadaadis shisheeye," ayuu yiri Qalbi Dhagax.

Qalbi Dhagax oo ay dowladda Soomaaliya ugacan-gelisay Addis Ababa sanadkii hore ayaa xorriyadiisa dib uhelay horaantii sanadkaan, kadib cafis uu ufidoyey Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaasi oo xafiiska yimid bishii April ee sanadkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xubno Daacish oo ku tababartay Soomaaliya oo Itoobiya qabatay iyagoo Qorsheynayeen Weerarro Argagixiso 

Warbixinta sirdoonka Itoobiya ayaa muujisay in la tuhunsan yahay in eedeysanayaasha ay tababar milatari ku qaateen Puntland.

  • Afrika

    17-07-2025

  • 05:13AM

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM