Maxaa sababey in ciidamada Federaalka Itoobiya isku dayaan iney qabtaan Madaxweyne Ileey?

Image
Image
Image
Image

JIGJIGA ( GO)- Jigjiga ayaa xaaladu dagan tahay caawa sida warsidaha GO u sheegeen qaar ka tirsan dadka ku nool magaladaas kadib markii maanta rabshado boob xoogan wata ka dhaceen waxaana boob xoogan loogu gaystey ganacsiga qowmiyidaha ku nool xarunta Ismaamulka Soomalida itoobiya.

Kadib markii saaka ay soo baxeen warar sheegayaa in ciidamada Militariga dalka Itoobiya isku gadaameen xarunta Madaxtooyada halkaasoo uu dagan yahay Madaxweyne Cabdi Ileey halkaas rasaas ka nilabatey iyadoo markaas kadib magalada Jigjiga uu ka bilowdey boob lala bartilmaameedsadey xarumaha dowlada Federaalka ah, goobo ganacsi ay leeyihiin qowmiyadaha kale iyo shirkado ganacsi.

Waxaa bililiqo looo gaystey sida dad goob joog ah GO u sheegeen qaar ka tirsan Bangiyada dowlada, Warshada ugu weyn ee isku xirxirta gadiidka Bajaajka loo yaqaan iyo ganacsato kale.

Dadka ku dhintey rabashadahan oo tiradooda gaareyso 21 ayaa waxay u badan dad ka tirsan qowmiyadaha kale ee magalada dagan iyadoo warar kale sheegayaan in la gubey kaniisado ku yaal degaanada kale ee Soomaalida Itoobiya dagto.

Halkee buu xaalku marayaa hadda? 

Kadib markii rabshado wata boob loo gaysanayo ganacsato iyo goobaha dowlada ayaa wararka warsidaha GO helayo waxay sheegayaan in dowlada Itooobiya ka dalbatey Madaxweyne Cabdi Ileey in shacabka u sheego iney is dajiyaan joojiyaana boobka ay ku hayaan hantida. 

Wararkaan ayaa intaas ku daraya in Milateriga Federaalka ay amniga magalada Jigjiga galabta ku wareejiyeen ciidamada gaarka ah ee dowlad degaanka Soomaalida kuwaasoo lagu arkayo caawa iyagoo ilaalinaya xarumaha dowlada sida bangiyada hortooda.

” Waxaa si aan kala go’ laheyn garoonka diyaaradaha Jigjiga caawa uga dagaya diyaaradaha ciidamada militariga kuwasoo keenaya sidaan u maleynayo ciidamo xoojin ah.” Sidaas waxaa GO u sheegey qof dagan magalada Jigjiga oo kula hadlay khadka taleefanka.

Maxaa sababey in ciidanka militar-iga talaabadaan deg deg ah qaadaan?

Kadib markii uu ka dhacey dalka Itoobiya isbadal xilka RW loogu magacaabey Abiy Axmad ayaa waxaa soo baxay hanjabaado ka imaanaya shacabka iyo qaar hogamiye-yaasha maamul degaanada kuwasoo sheegey iney ka go’ayaan dowlada dhexe ee dalkaas.

Waxaa jirey tan iyo intii RW Abiy la yimid isbadaladaan degdeg ah xiriir hoose oo dhexmarey madaxda maamulda Soomaalida, Tigreega iyo Cafarta kuwasoo qorsheeynayey in Barlamanadooda isticmaalaan qodob Dastuuri ah ee u saamaxaya iney ka go’aan dalka Itoobiya intiisa kale.

Talaabadaan madaxda maamuladaan isku ogaayeen ayaa waxaa si kadis ah u qaadey maanta 3 August, 2018 Barlamaanka Ismaamulka Soomaalida kaasoo fadhi uu arintaan ka yeelan lahaa uu sababey in ciidamada Federaalka ah isku gadaamaan xarumaha dalkaas looga arimiyo kuna qabtaan Madaxweynaha maamulkaan islamrkaana kala diraan xildhibaanada aqalka wakiilada.

-Welwelka madaxda maamulada dalka Itoobiya haysta-

Tan iyo markii uu talada la wareegey RW Abiy waxaa soo baxayey warar sheegaya in dowlada dhexe ee dalkaas dabada ka riixeyso dhaqdhaqaaqyo lagu badalayo madaxda maamulada kuwasoo horey gacan saar dhow la lahaa Ra'isal wasaarayaashii hore ee ka arimin jirey dalkaan. Madaxdaan ayaa waxaa lagu eedeynayaa iney qayb ka ahaayeen xadgudbyo dhinaca bini'aadnimada ah ee ka dhacey dalka Itoobiya.

Magaalada Dire-Dawa ayaa asbuucyadii lasoo dhaafey waxaa ka socdey kulan ay isugu yimaadeen qaar ka tirsan madax dhaqameedka maamulkaan, siyaasiyiin iyo qaar ka tirsan qaybaha kala duwan ee bulshada qayb ka ahaayeen.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlayey sidii isbadal loogu sameyn lahaa hogaanka Is-maamulka Soomaalida Cabdi Ileey iyadoo ay kasoo baxeen baaqyo ah in dowlada Federaalka ah faragalin ku sameyso sidii talaabadaan loo qaadi lahaa.

Dhinaca kale waxaa horey isu casiley madaxweynaha maamulka Ra'isal wasaarihii hore ee xilka ka tagey kasoo jeedey. Madaxweynaha Is-maamulka ku yaal Koonfurta Itobiya ayaa xisbiga dalkaas ka arimiya gudihiisa kula tartamey RW Abiy Axmad inta uu xilkaan iska casilin kaasoo dowlada dhexe ka dalbatey.

Dhowaan ayey aheyd markii dad isugu soo bax kooban ku sameeyey magaalo madaxda maamulka Tigreega ku hanjabeen iney dalka Itoobiya ka go'i doonaan hadii RW cusub uusan joojin siyaasadaha uu ku talaabsadey tan iyo intii xilkaan la wareegey.

Dalka Itoobiya dadkiisu gaarayaan 102.4 million ayaa  waxaa uu ka kooban yahay qowmiyada kala duwan kuwasoo ku midoobey nidaamka Federaalka.  

Related Articles

Madaxweyne Ruto: Muxuu Kaga Falceliyey Qof Kab Kaga Tuuray Goob uu Ka Hadlayey?

Hoggaamiyaha dhalinyarada Migori, Byron Oginga, ayaa isna sheegay in Madaxweynaha…

  • Afrika

    04-05-2025

  • 11:05PM

Sudan: RSF ay weerar ku qaadey saldhig ciidan iyo garoonka diyaaradaha ee Port Sudan

Xogtaasi waxay muujisay in diyaaraddaas oo kasoo kacday garoonka caalamiga ah ee Dubai ay ku wareegtay Badda Cas.

  • Afrika

    04-05-2025

  • 12:32PM