Maxaabiis hore oo lagu eedeeyay inqilaab dhicisoobay

Image
Inta la xaqiijiyay 11-ruux ayaa ku dhimatay oo u badnaa ciidamada intii uu socdey isku-dayga afgembiga.

BISSAU, Guinea-Bissau — Madaxweynaha Guinea-Bissau ayaa sheegay in maskaxdii ka dambeysay isku daygii afgambi ee todobaadkii hore ay xabsiyada Mareykanka u galeen eedeymo la xiriira ka ganacsiga daroogada.

Umaro Sissoko Embaló ayaa xusay in Admiral hore oo ka tirsanaa ciidamada badda iyo labo ka mid ah kaaliyeyaashiisa ay ku lug lahaayeen shirqool si wanaagsan loo maalgeliyay oo lagu dili lahaa isaga, ra'iisul wasaarihiisa iyo saraakiil sare oo kale.

Embaló oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in laba ka mid ah raggaasi uu ku arkay qasriga dowladda "intii uu socday isku dayga afgambiga".

Hogaamiyahan xafiiska jooga tan iyo sanadkii 2020-kii ayaa guddoominayey shirka golaha wasiirada markii rag hubaysan ay gudaha u galeen xarunta madaxtooyadda.

Inta la xaqiijiyay 11-ruux ayaa ku geeriyootay oo u badnaa ciidamada amaanka intii uu socdey isku-dayga afgembiga oo dhicisoobay markii ay is-hortaageen ciidamadda.

Guinea-Bissau waa marin muhiim u ah ka ganacsiga daroogada sharci darrada ah ee laga keeno Koonfurta Ameerika ilaa Yurub. Kooxaha ka ganacsatada lama kulmaan iska-caabin xagga dowladda ah.

Tani waxay keentay in Qaramada Midoobay iyo Maraykanku u aqoonsadaan "narco-state" toban sano ka hor – waana markii ugu horeysay ee calaamad noocan oo kale ah la siiyo dawlad Afrikaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM