Maxay yihiin cabashada uu muujiyey ee loo xiray duuliyaha Jabuuti?
DJIBOUTI CITY, Djibouti – Dowladda Jabuuti ayaa xabsi dhigtay duuliye ahna sarkaal sarre oo ka tirsanaa ciidamadda cirka Fu'aad Yuusuf Cali, sidda ay sheegeen xubno ka tirsan qoyskiisa iyo xaaskiisa.
Fu'aad, aabaha todoba caruur ah, ayaa jeelka ku jira in ka badan laba bilood. Xaaskiisa, Samiir Jaamac Cabdi, ayaa u sheegtay Garowe Online in "xorriyadda looga qaadey seygeeda cabashooyin uu muujiyey".
Tabashooyinka uu muujiyey ee sababay in jeelka loo dhaadhiciyo ayay ku qeecday mushaharkiisa iyo duuliyanimaddii oo bil kahor "uu si cadaalo darro ah uu uga joojiyey taliyaha xeradda uu ka tirsan yahay".
Haweenayda ayaa beenisay warar leysla dhexmarayo oo ku saabsan in uu la baxsaday diyaarad. Sheekadda ku saabsan in uu la baxsadey diyaaradda waxay soo ifbaxday markii uu muuqaal kusoo dhex-duubay.
Muuqaalkaas ayuu ku sheegay "in uu ka baxsaday Jabuuti isla markaana uu tirsanayo cadaalad darro iyo dulmi lagula kacay".
"Diyaarad lama uusan baxsanee kaliya muuqaalka ayuu ku duubay," ayay hadalkeeda raacisay Samiira oo soo bandhigtay qiso dhacday maalintaa uu falkaas ku kacay Fu'aad oo ay ku sheegtay 27-kii May, 2020.
Xilli ay u muuqatay mid difaaceysa seygeeda, taliyihii xerada ayay sheegtay in uu Fu'aad u diidey in uu u soo diro gaari qaas ah maadaama shaqada uu isagu lahaa isla markaana magaaladu loo xiray Covid-19 awgiis.
"Fu'aad maalintaa gurigiisa wuu jiifan karey, wuxuu ka baqayey in uu ku xukumo xabsi, maadaama uu yahay aabaha todoba caruur ah," ayay raacisay, iyaddoo xustay in goobta shaqada tegay isagoo careysan.
Siddee Jabuuti loogu soo celiyey?
Fu'aad xiligaa wuxuu u lugeeyay xerada oo qiyaasitii laba saac u jirta marka gaari loo raacayo u jirta hoygiisa. "Bal qiyaas adba marka loo lugeynayo inta saac ee lagu tagi karo," ayay Samiira tiri.
Isla markii uu tegay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, sidda laga soo xigtay Samiira, wuxuu Fu'aad sameystay warqad deganaanshiyo ah kadib codsi magan-galyo ah oo uu gudbiyey kaasoo laga ogolaadey.
Hase ahaatee, sirdoonka Jabuuti oo dhaqdhaqaaqiisa la socday ayaa dalab u gudbiyey dhigooda Itoobiya, kuwaas oo gacanta ku dhigay Fu'aad isla markaana "wareejiyey habeen abaare saddex saac ah".
"Diyaarad qaas ah oo Jabuuti leedahay ayaa looga soo qaadey Addis Ababa isagoo meel walba ka jeebeysan," ayay hadalkeeda ku dartay.
Dowladda Itoobiya ayaanan ka hadlin kiiska Fu'aad Yuusuf Cali iyo wararka la xiriirinayey in ay u soo gacan-gelisay Jabuuti. Hase ahaatee, labadda dowladood ee deriska ah waxaa ka dhaxeeya xiriir fiican.
Maxkamadeyn?
Muuqaal uu kasoo dhex-duubay xabsiga ayuu ku caddeeyay in uu wajahayo caafimaad darro isla markaana uusan helin waxyaabaha aas-aasiga u ahaa nolosha qofka Muslimka ah sidda tukashada Salaada.
Sidda ay ka dhawaajisay Samiira, tan iyo markii la xiray waxaa uu maxkamad lasoo muuqdey hal jeer. Maxkamdeyntaas oo Fu'aad uu diidey waxay dhacday habeen. Fadhi loo balansanaa Khamiistii "ma qabsoomin".
"Aniga iyo qareenkiisa ayaan tagnay maxkamadda. Garsooraha wuxuu noo sheegay in aan la keenin. Kadib, waan isaga soo tagnay meesha," ayay tibaaxdey, iyaddoo shacabka waydiisatay garab istaag.
Guriga ay ka degan yihiin magaala madaxda ayay sheegtay in ciidamo lagu hareereeyay isla markaana aad loo xadiday dhaqdhaqaaqooda. Mid kamid ah caruurta ay dhashay ayay xustay in ay wateen ciidanka.
"Waxaa si cadaalo darro ah loogu xiray maxaad banaanka u taagan tahay. Xitaa caruurtii ayaa loo diidayaa in ay banaanka fiiriyaan," ayay carabka ku dhufatay, iyaddoo luuqad qiiro leh ku codsatay in Fu'aad lasii daayo.
Jabuuti, dal yar oo dhaca goob istaraatiiji ah oo in ka badan 22 sano uu madaxweyne ka yahay Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa ka jira amni iyo horumar, , mucaaradkase wuxuu goobayaa xoriyad iyo isbedel.
GAROWE ONLINE