Maxkamad Sarre oo amartay in xabsi lagu sii hayo Jawar Maxamed

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Maxkamadda sarre ee Itoobiya ayaa bileyska siisay 14 maalmood oo dheeraad ah si ay u baaraan Jawad Maxamed, mid kamid ah hogaanka Golaha Federaaleynta gobolka Oromada.

Jawar ayaa laba todobaad kahor loo xiray tuhun ku saabsan "in uu qayb ka ahaa abaabulka" rabshadaha ka dhashay dilka fanaankii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa ee lagu toogtay caasimada Addis Ababa.

Xeerbeegtada ayaa muddeysay in dhageysiga kiiska Jawar uu dhici doono 30-ka bisha July ee sanadkan aynu ku jirno ee 2020-ka.

Fanaanka Hachalu oo kiisiisa loosoo qabtay laba ruux oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin urur ka goostay Jabhadda Xorreynta Oromada ayaa kamid ahaa shaqsiyaadka u ololeeya xuquuqda Oromiya.

Ku dhowaad 200 ruux oo isugu jira shacab iyo saraakiil boolis ayaa ku geeriyooday rabshadaha ka dhashay dilka Hachalu Hundessa.

Ra'iisul wasaare Abiy Axmed oo toogashadda ku qeexay "isku day la doonayey in lagu kiciyo colaad" ayaa tibaaxay in ay fashiliyeen.

Sikastaba, Jawad Maxamed ayaa sidoo kale wuxuu yahay aas-aasaha telefishinka Oromia Media Network, kaas oo qaybo kamid ah Ethiopia laga mamnuucay, waxaana lagu eedeeyay "buunbuuninta colaadda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM