Maxkamadda Sare ee Kenya oo ayiday guusha William Ruto

Image
Is-dabamarinada lasoo wariyay ayay shaaca ka dhigtey in aysan saameyn ku yeelan karin natiijadda.

NAIROBI, Kenya - Maxkamadda sare ee Kenya oo taageertay guushii William Ruto ayaa gaashaanka ku dhufatay faragelin lagu sameeyay natiijadii doorashadii qabsoontey 9-kii bishan Ogosto.

Is-dabamarinada lasoo wariyay ayay shaaca ka dhigtey in aysan saameyn ku yeelan karin natiijadda uu ku dhawaaqay guddiga doorashooyinka ee labada garab u kala jabay.

Xukunkan ayaa dharbaaxo u ah Raila Odinga iyo kooxdiisa kuwaasoo gudbiyey cabashadda ka gadaal markii guddiga doorashadda uu shaaciyey in Ruto uu yahay madaxweynaha soo aadan.

Labada nin ayaa horey u shaaciyey in ay u hogaansami doonan go'aan walba oo kasoo baxa Maxkamadda Sarre. Balse illaa haatan midna kama uusan hadlin xukunka xeerbeegtada sarre.

"Uma burburin karno natiijadda doorashada madaxweynaha sababo ku aadan khilaafka ka dhex-jira guddiga doorashooyinka dhexdiisa," ayay tiri guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Kenya.

Martha Koome oo hadalkeeda sii wadata ayaa hoosta ka xariiqdey in geedi-socodka doorashadda uu ahaa mid daahfuran oo cadaalad ah wallow daqiiqadihii ugu dambeeyay uu yimid khilaaf.

"Afarta xubnood ee kamid ah guddiga doorashadda Kenya ee qaadacay natiijadda waxay si dhow ula socdeen tirinta codadka kahor inta aysan gooni isku taagin," ayay raacisay Martha Koome.

Ruto oo noqonaya madaxweynaha 5aad ee Kenya isla markaana badalaya ninku ku xigeenka u ahaa ee Uhuru Kenyatta ayaa lagu waddaa in la dhaariyo 13-ka bishan September sanadka 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM