Maxkamadeynta Soomaali u xiran burcad-badeednimo oo la muddeeyay

Image

VICTORIA, Seychelles – Maxkamadda Sare ee Seychelles ayaa muddeysay in 30-ka bisha soo aadan ee Agoosto ay bilaabi doonto dhageysiga dacwad ka dhan ah Soomaali dalkaas ugu xiran burcad-babaanimo.

Shantaan muwaadin ayaa bishii April ee sanadkii lasoo dhaafay waxaa xukuumadda Victoria ku wareejiyay howlgalka la dagaalanka shufta-badeeda Soomaaliya ee Midowga Yurub – EU NAVFOR.

La tuhunsaneyaasha oo loo haysto weerar dhacay April 21-keeda sanadkii hore ayaa maxkamadeyntoodu noqon doontaa qaab maqal iyo muuqaal fagaan arag ah, sidda ay warisay warbaahinta maxaliga ah.

Sidda ay tabisay Wakaaladda Wararka Seychelles, dhageysiga gal-dacwadeedkan ayaa socon doona muddo afar todobaad ah.

Xafiiska arrimaha dibada EU NAVFOR oo dhiibitaanka eedeysaneyaasha u cuskaday heshiis laba geesoodka ah ayaa markabka ay weerareen shantooda ku sheegay ESPS Navarra oo calanka Spain watay.

Howlgalka ayaa tibaaxay in eedeysaneyaasha ay maalmo kahor weerarka markabka qabsadeen doonyo laga leeyaha Yemen. Sidoo kale, wuxuu xusay in ay beegsadeen markab kaluun oo Kuuriyaan ah.

"Dhacdadaas waxay ahayd tii ugu horeysay oo fal burcad-badeednimo ah tan iyo October sanadkii 2018," ayuu raaciyey taliska.

Xeebaha Soomaaliya waxay kamid yihiin kuwa ugu badan oo ay ka dhacaan xadgudubyadda ugu daran gaar ahaan kalluumeysiga sharciyadda oo ay ku lug-yeeshaan maraakiibta sheegta in ay ilaalinayaan.

Seychelles ayaa kamid ah wadamadda lagu maxkamadeeyo Soomaalida loo haysto burcad-badeednimadda, wallow qaarkood loosoo dhoofiyo waddanka si ay ugu dhameystaan muddo xukunada ee lagu riddo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM