Maxuu Abiy Ahmed ka bedelay dagaalka ka socda Itoobiya?

Image

ADDIS ABABA — Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in 'cadawgiisa laga adkaaday', wuxuuna ballan qaaday in ay dib u qabsan doonaan dhulka gobolka Axmaarada oo ay gacanta ku hayaan ciidammada Tigreega, iyadoo sidoo kale ciidamada qowmiyadda Tigreega ay guulaha milateri ka gaareenn gobolka Canfarta.

Muuqaalo laga soo duubay furint hore ee dagaalkaa oo laga sii daayay Telefishinka Fana ee ay dowladda Talaadadii, ayaa muujinaya Abiy oo xiran qalabka militariga.

"Taliska Bari wuxuu gaaray guul aan la qiyaasi karin hal maalin oo qorshe ah iyo dagaal qaatay maalin iyo bar," ayuu yiri Abiy oo intaa ku daray "Waan sii wadi doonnaa guulahaas aan ka gaarnay jiidda hore"

Warbaahinta dowladda ee Fana ayaa sheegay in uu la hadlayay ciidamada ku sugan jiidaha hore ee dagaalka Itoobiya, gaar ahaan meel ku dhow magaalada Gashena ee gobolka Axmaarada.

Laakiin wakaaladda wararka ee Reuters oo qorta warbixintaan ayaa sheegtay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin karin halka uu ku sugan yahay Abiy Ahmed.

“Cadowga waa la jebiyay, howsha inoo harsanna waa inaan cadowga saarno oo aan baabi’inno,” ayuu u sheegay askartii isugu soo ururtay geedaha hoostooda.

Getachew Reda oo ah afhayeenka kooxda TPLF oo ah cududda ugu weyn ee dagaalka kula jirta dowlada federaalka ayaanan u suurta galin Reuters inay xiriir la sameyso, laakiin Isniintii, ayuu ku eedaysay Abiy inuu ku lug lahaa qidad dagaal oo uu ku tilmaamay mid lagu maadsado.

Ciidamada Tigreega ayaa ku hanjabay inay gudaha u soo galayaan caasimadda Addis Ababa ama ay isku dayi doonaan inay jaraan marinka isku xira Itoobiya oo aan bad lahayn iyo dekedda ugu weyn gobolka.

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM