Meydka wariye si arxan daran loogu dilay seef oo la helay

Image

ABUJA, Nigeria – Booliska dalka Nigeria ayaa wada baaritaan culus markii ay heleen meydka wariye si fool xun loogu dilay ismaamulka Adamawa.

Maxwell Nashan, war-akhriye ka tirsanaa idaacad ay leedahay dowladda, ayaa meydkiisa laga helay beer, 15-kii Janaayo, 2020.

Haweenay kamid ah dadka degaanka oo aragtay ayaa wargelisay booliska, hase ahaatee, nasiib daro wuu geeriyooday markii Isbitaalka la geeyay.

Saraakiisha ayaa sheegay in dilka Nashan loo adeegsadey faas [seef], wallow aysan tafaasiil dheeri ah ka bixin cidda ka dambeysay dilkiisa.

Saxaafada maxaliga ah ayaa baahisay in kiiskaan uu u muuqdo mid wariyaha laga soo afduubtay hoygiisa kadibna la khaarijiyey.

Ururo u dooda xuquuqda saxaafada oo isugu jira maxali iyo caalami ayaa laamaha ammaanka ku booriyey in ay soo bandhigaan natiijada baarista.

Warar ayaa sheegaya in xabsi loo taxaabay sideed ruux oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen fal-dambiyeedkaan.

Nigeria oo kamid ah wadamada caalamka ee ay adag tahay in uu saxafi ka shaqeeyo, ayaa la sheegay in tan iyo 2010-kii lagu dilay shan wariye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM