Mid kamida Wasiiradii ugu caansanaa Itoobiya oo xabsiga la dhigay

Image

ADDIS ABABA - Wasiir hore oo ka tirsanaa dowladda Itoobiya ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii lagu eedeeyay inuu lunsaday hantida dadweynaha.

Bereket Simon oo ahaan jiray wasiirkii hore ee isgaarsiinta dalka Itoobiya ayaa saaxib dhaw la ahaa ra’iisul wasaarihii geeriyooday Meles Zenawi.

Warbaahinta maxalliga waxay ku warrantay in Bereket Simon laga qabtay gurigiisa subaxnimaadii saaka, waxaana lala xiray sarkaal sare oo dowladda ka tirsanaa.

Waxaana lagu eedeeyay inay lunsadeen lacago loogu talagalay in lagu maageliyo mashaaric gobolka Amxaarada.

Bereket ayaa kamid ahaa xubinihii aasaasay xisbiga haya talada Itoobiya ee EPRDF.

Tan iyo bishii Nofembar ee sannadkii lasoo dhaafay, dowladda Itoobiya waxay xabsiga dhigtay in ka badan 70 saraakiil ah oo isugu jiro militari iyo sirddoon kuwaas oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo inay ku tunteen xuquuqda aadanaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM