Midowga Afrika oo "ku kala jabay" doorashada Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Kala qeybsanaan ayaa laga soo dhex-sheegayaa Midowga Afrika oo ku saabsan wadahadalada doorashooyinka ee Soomaaliya oo labadii bilood ee ugu dambeysay ay ka jireen qalalaase siyaasadeed kadib markii uu dhammaaday xilligii Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyaddoo aan laga heshiin coddeynta.

Cadaadiska xubnaha mucaaradka iyo jilayaal caalamiga ah kuwaas oo ku hanjabay inay xiriirka u jari doonaan Soomaaliya awadeed, Farmaajo ayaa ka tanaasulay muddo kororsi laba sano ah taasoo saamileyda ay ku tilmaamtay "mid baalmarsan dastuurka oo horseedeysa dib-u-dhac amni, dhaqaale, dowladnimo, horumar iyo mid siyaasadeed".

Iyadoo dowlada federaalka ay hada qorsheyneyso kulan ay la yeelato dowladaha xubnaha ka ah bisha May 20, indhaha ayaa kusii jeeda hoggaanka dalka kaas oo ballanqaaday doorasho lagu kalsoonaan karo oo daahfuran taas oo aan weli la cayimin taariikhdeeda.

Midowga Afrika ayaa waxay u doorteen madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama hoggaaminta howlaha dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, tallaabadaas oo ay soo dhoweeyeen daneeyayaal badan.

Mahama waxaa loo tixgeliyaa inuu yahay nin dowladeed marka la joogo Afrika. Hase yeeshe, waxaa la soo sheegayaa inuu dildilaaca ka dhex qarxay Midowga Afrika, iyaddoo lasoo warinayo in ururka u kala jabay laba garab kaasoo mid kamid ah uu majaxaabinayo qadiyadda ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya.

Tiro hogaamiyeyaal ah ayaa taageersan Farmaajo, halka koox kale ay ka soo horjeedaan madaxweynaha, oo waqtigiisu dhamaaday 8-dii bishii Febraayo ee sanadkan 2021.

Illo wareedyo ayaa u sheegay Garowe Online in madaxda qaar ay dusiyeen qaar ka mid ah macluumaadka gaarka ah iyo kuwa xasaasiga ah oo ay ku jiraan wada-sheekaysiga gaarka ah talaabadaas oo wiiqi karta geedi-socodka "dib-u-heshiisiinta".

Tani waxay imaaneysaa ka hor booqashada la qorsheynayo inuu Mahama ku tago Soomaaliya. Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay warqad u qortay Midowga Afrika kuna codsatay in dib loo dhigo safarka Mahama, iyadoo ku doodeysa in tallaabadaasi ay ku dooneyso in fursad lagu siiyo dedaaladda ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Hasa ahaatee, Midowga Afrika ayaa ku gacanseyray dalabkaas, wuxuuna ku adkeystay in dirtaanka ergayga ay ku timid soojeedinta dalalka xubnaha ka ah ururka Midowga Afrika.

Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna madaxweynaha DRC, Felix Tshisekedi wuxuu ka codsaday in AU-da ay fududeyso wadahadalo laga yeesho qabashada doorashooyinka Soomaaliya. Dalabkaas wuxuu gudbiyey kahor inta uusan ka noqon muddo kororsiga sharci daradda ah ee diidmadda culus kala kulantay gudaha iyo dibadda.

AU-da ayaa kooxda dhexdhexaadinta waxay ka saartey sarkaalka howlgalka AMISOM uqaabilsanaa arimaha siyaasada Babatunde Taiwo, oo mucaaradka ay ku eedeeyeen inuu si dhaw ula shaqeynayay Villa Somalia.

Sarkaalkan oo u dhashay dalka Nigeria ayaa la rumeysan yahay inuu si dhow ula shaqeynayo hay’adda sirdoonka ee NISA, sheegashadaas oo inta badan uu beeniyo. Balse, mucaaradka waxay tibaaxeen in uu Villa Soomaaliya u dusiyo macluumaadyadda shirarka AU-da iyo kuwa madaxda caalamka la yeeshaan hogaamiyeyaasha mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM