Midowga Afrika oo sababeeyay xayiraada uu ka qaaday Suudaan

Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Midowga Afrika ayaa sheegay in ay xayiraada uga qaadeen Suudaan maadaama ay dalkaasi ka hirgashay dowlad rayid ah tan iyo markii milatarigu afgembiyey madaxweyne Cumar Al Bashiir bishii April.

Ebba Kalondo, afhayeenka Guddiga AU-da ee fadhigiisu yahay Addis Ababa, caasimadda Itoobiya, ayaa Jimcadii waxa uu wakaaladda wararka ee AP uu u sheegay: "Cunaqabateynta waa la qaadey".

Golaha Nabadda iyo Amniga ee ururkaasi oo Twitter-ka ku shaaciyey ayaa go’aanka ku tilmaamay "mid muujinaya taageerada loo hayo dib u dhiska iyo dedaalada wacyigelinta caalamiga ah ee Suudaan".

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Suudaan ayaa Khamiistii ku dhawaaqay xukuumad cusub, taasi oo qayb ka ah heshiis ku meel gaar ah oo u dhaxeeya milatarga iyo banaanbaxayasha dimoqraadiyad doonka ah.

Kadib mudaaharaadyo dhiig badan ku daatey oo lagu eedeeyay ciidamada ammaanka, Suudaan ayaa xubinimadeeda Midowga Afrika si ku meel gaar ah loo joojiyey bishii June ee sanadkan 2019.

Go’aankaasi ayaa waxaa ujeedkiisa lagu macneeyay cadaadis la saarayo milatariga awooda kula wareegay xukunka iyo in ay talada ku wareejiyaan shacabka si ay hogaankooda u doortaan.

Al-Bashiir oo maxkamad lasoo taagey ayaa lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo ku tagrifal maaliyadeed, wallow uu qirtay in uu malaayiin dollar ka helay Sacuudiga, hadana wuxuu iska fogeeyay in uu si gaar u ah u adeegsadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM