Midowga Afrika oo shuruud ku xiray taageerida is-dhexgalka gobolka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Inkasta oo aragtiyo kala duwan laga bixiyey, haddana qorshaha is-dhexgalka gobolka Geeska Afrika ayaa waxa uu ku socdaa si dardar leh.

Is-dhexgalka ayaa si gaar ah wuxuu u quseeyaa dhinacyadda ammaanka, dhaqaalaha iyo waliba siyaasadda oo muhiim u ah labada qodob kale.

Wafdi sarre oo ka socda Midowga Afrika ayaa socdaal laba maalmood ah ku yimid Soomaaliya si ay u qiimeeyaan mowqifka xukuumadda federaalka ee arrintaasi.

Kooxdaasi waxaa horkacaya Thabo Mbeki, madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika ahna madaxa guddiga AU-da ee fulinta wadamada Badda Cas.
Mbeki iyo wafdigiisa ayaa la kulmay madaxda Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo AMISOM.

Isaga oo ka hadlayey kulanka ayuu shaaca ka qaadey in ururka uu ka socda uu go’aan ku gaarey in uu taageero qorshahaasi.

Balse waxa uu carabka ku adkeeyay in shuruuda hortaala ay tahay in uu noqdo mid guud ahaan qaaradda Afrika saameyn wanaagsan u keenaya.

"Mid kamid ah waxyaabaha ay qaaradda u baahan tahay waxaa kamid ah in la wajaho caqabadaha iyo guulaha," ayuu ka yiri kulankaasi.

Wuxuu intaasi raaciyey: "Go’aanka Midowga Afrika waa in uu ka caawiyo gobolka arrintaasi, balse waa in uu qaarada u keenaa saameyn wanaagsan, gobolkana u horseedaa hore-u-socod".

Guddigaasi oo ka kooban 30-xubnood ayaa qiimeynta ay Soomaaliya ka sameeyeen waxay kula laaban doonan Golaha Sare ee Midowga Afrika kahor inta aysan kasoo saarin warbixino ay ku jiraan talooyin.

"Dowladda Soomaaliya waxaan ka dhageysanay waxyaabo ku saabsan is-dhexgalka Geeska Afrika si lamid ah arrimaha kale ee ay tahay in wax laga qabto," ayuu ku daray.

Qorshaha is-dhexgalka gobolka Geeska Afrika ayaa waxaa hindisay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, waxaana haatan iskaashi saddex geesood ah wada leh Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM