Miguna Miguna oo weli jawaab ka sugaya Ruto

Image

NAIROBI - Garyaqaanka Kenya u dhashay ee musaafuriska ugu maqan dalka Canada Miguna Miguna ayaa sheegay in ay boorsadiisa xirxirantahay, warna uu ka sugayo Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.

Miguna ayaa sheegay in mamnuucista safarka laga qaadi doono shalay oo ahayd arbacada, ballan-qaadna uu ka haysto Ruto, balse illaa hadda taasi aysan dhicin.

Ruto ayaa wareysi uu bixiyay markii la doortay kadib sheegay in Miguna uusan gelin wax dambi ah, aysana jirin sabab uu dalka uga maqnaado, isaga oo ku dooday in Kenya oo iyadu qaxootiga qaabisha aysan yeelan karin dad qaxooti ah oo ka cararay.

Miguna oo ay si weyn isugu dhaceen Raila Odinga ayaa waxaa dalka ka masaafuriyay madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta, iyada oo laga tarxiilay Nairobi.

Dhawr jeer oo uu isku dayay in uu soo laabto ayaa dhexda laga celiyay, waxaana gebi ahaanba diiday in ay soo qaadaan diyaaradaha.

Miguna ayaa caan ku ah dhaleeceynta iyo wax ka sheegista madaxweynihii hore iyo Odinga oo uu u yaqaano “tuug”.

Waxa uu mar xulufo la ahaa Odinga oo ay markii dambe isku dhaceen.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM