Mike Pence: Suleymaani wuxuu maleegay weeraro ka dhacay Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence, ayaa sheegay in Qaasim Suleyaani uu maleegay "weeraro argagixiso" oo ka dhacay Kenya.

Fariin uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu sheegay in weeraradan ay dhaceen sanadka markii uu ahaa 2011-kii.

Hadalka Pence ayaa kusoo aaday xili Al-Shabaab ay weerartay saldhig Mareykanka ku leeyahay gobolka Lamu, Axadii, 5-ta December, 2020.

Gulufka lagu beegsaday xerada Manda Bay ayaa galaaftay dad ay ku jiraan saddex Ameerikaan ah – Hal askari iyo laba qandaraasleyaal.

Iyaddoo uu jiro hadalka Pence, milatariga Kenya ayaa meesha ka saarey in Tehran ay door ku lahayd duulaankii u dambeeyay.

Suleymaani ayaa habeenimadii Jimcadda lagu dilay duqeyn uu Mareykanka geystay agagaarka garoonka diyaaradaha Baqdaad, caasimada Ciraaq.

Madaxweyne Donlad Trump ayaa sheegay in Suleymaani ay u dileen "si looga hortago dagaal, balse ma ahan in la bilaabo dagaal".

Qaasim Suleymaani, oo ahaa Jeneraal, ayaa ahaa taliyaha waaxda sirdoonka badda u qaabilsan Iiraan, oo ku goodisay in ay aargudan doonto.

Sikastaba, Kenya ayaa la daalaadhaceysay weeraro kaga yimaada Al-Shabaab tan iyo markii ciidankeeda ku biireen howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM