Milatari xooggan oo awood kula wareegay xukunka dalka Niger

Image
Inqilaabkan ayaa waxa uu soo gabagabeeyay waayihii taladda madaxweyne Maxamed Bazoum.

NAIROBI, Kenya - Askarta Niger ayaa sheegtay inay xilka ka xayuubiyeen Madaxweyne Maxamed Bazoum kaas oo xukumaya dalkaas galinkii dambe ee Arbacadii, sidda ay ka sheegeen telefishinka dowladda.

Dhawaqan ayaa waxa uu yimid saacado kaddib markii xubno ka tirsan ilaalada gaarka ah ee madaxtooyada waddankaas ay siyaasiga ku xireen gurigiisa.

Kornayl-Major Amadou Abdramane oo la hadlay telefishinka qaranka dalkaas ayaa sheegay in "difaaca iyo ciidamada ammaanku ay go'aansadeen in ay soo afjaraan nidaamka aad taqaan".

"Tani waxay daba socotaa sii xumaanshaha joogtada ah ee xaaladda amniga, maamulka xun ee bulshada iyo dhaqaalaha," ayuu hadalkiisa kusii daray Abdramane.

Askariga ayaa sheegay in xuduudaha dalka ay xiran yihiin, isla markaana uu jiro bandow dalka oo dhan ah. "Waxaa sidoo kale shaqada laga joojiyay dhammaan hay’adaha dalka," ayuu raaciyay.

Abdramane waxaa garab taagnaa sagaal sarkaal oo kale inta uu akhriyey qoraalkiisa. Kooxdan isku magacaawday Golaha Qaranka ee ilaalinta dalka ayaa ka digay faragelin shisheeye.

Afgembigan ayaa ayaa yimid kadib maalin hubanti la'aan ah iyadoo madaxtooyada Niger ay soo warisay in xubno ka tirsan ciidamada ilaalada gaarka ah ay ku howlan yihiin "mudaaharaad ka dhan ah jamhuuriyada".

Wakaaladaha wararka ayaa sheegay in Bazoum lagu hayo qasriga ciidamada gadoodsan halkaas oo macluumaadka laga heli karo ay adag tahay lamana saadaalin karo masiirkiisa siyaasadeed iyo bad-qabka nafsadiisa.

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashada Itoobiya waxay muujisay rabitaanka dimuqraadiyadeed ee dadka

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay ururku uga go’an tahay taageeridda dimuqraadiyadda dalalka xubnaha ka ah.

  • Afrika

    23-06-2026

  • 01:00PM

Kenya oo soo Gabagabeysay Tababarka Ciidamo loo Dirayo Howlgalka Cusub ee Soomaaliya

Tababarkan rasmiga ah ee ka hor daadgureynta oo ka dhacay Dugsiga Ciidanka Lugta ee Isiolo, ayaa diiradda lagu saaray u diyaargarowga dagaalka.

  • Afrika

    22-06-2026

  • 08:18PM