Milatariga Kenya oo Internet-ka ka joojiyey in ka badan 200 goobood

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidamadda difaaca Kenya ayaa adeega Internet-ka ka xayiray in ka badan 200 goobood oo ku yaala miyiga gobolada Garissa, Mandera, Samburu, Marsabit iyo West Pokot, sidda ay tabisay saxaafada.

Sii-haayaha agaasimaha guud ee Hay'adda Isgaarsiinta Kenya, Mercy Wanjau, ayaa u sheegay baarlamaanka in talaabadan ay la xiriirto amni daradda sii kordheysa iyo "cadaawadda" ka imaaneysa dadweynaha.

Sidda ay wararku daaha ka rogayaan, shaqaalaha 11 kamid ah barahaas la far-muuqay ayaa si rasmi ah u joojiyey howlihii ay dadka shacaka u hayeen.

Wanjau ayaa caddeeyay in degaanka xayiraadda lagu soo rogay la siiyey adeega 2 G-ga, kaasoo aanan lahayn xawaare u qalma midkii ay haysteen.

"Qandaraasleyda waa loo sheegay in ay joojiyaan shaqada. Ciidamadu waxay u sii ololeyn doonan in aan wax adeeg internet-ka aysan ka jirin gobolada aan soo sheegnay," ayuu yiri.

Bartamaha sanadka 2022-ka ayuu ka dhawaajiyey in ay beegsanaaa gobolada; Tana River, Wajir, Turkana, Marsabit, Meru, Laikipia iyo Isiolo.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa xilliyada qaar waxay weeraro ku ekeeyaan anteenooyinka shirkadaha isgaarsiinta Kenya, arrintaas oo dowlada Kenya lagu dhaliilay in ay ku fashilantay in ay deg-deg wax uga qabato.

Badi anteenooyinka ay bartilmaameedsatay Kenya waxaa iska leh shirkadda Safaricom, oo dhankeeda lagu eedeeyay in ay ciidamadda waddankaas u adeegsato in ay burburiyaan anteenooyinka shirkada Soomaalida.

Isgaarsiinta ayaa kamid ah alaadaha ay kooxaha argagixisada u adeegsadaan abaabulka weeraradda, waxaana dhowr jeer ciidamada Kenya uu u sahlay adeegan in ay soo qabtaan maleyshiyo badan oo weeraro geystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM

Madaxweyne Ruto oo Booqday Shiinaha Xilli Madaxweyne Trump Canshuurro Dul Dhigay Badeecadaha Afrika

Safarka Ruto ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanku uu dhaqangeliyay canshuur…

  • Afrika

    22-04-2025

  • 07:56PM