Milatariga Masar oo shaaciyey in ay dileen ku dhowaad 100 dagaalame

Image

KHAAHIRA, Masar – Taliska ciidanka ammaanka waddanka Masar ayaa ku dhawaaqay in ay khaarijiyeen 83-dagaalameyaal la tuhunsan yahay kadib howlgalo ay gobolka Sanca ka sameeyeen bishii lasoo dhaafay.

Milatariga ayaa Isniintii tilmaamay in 61 kale oo la tuhunsaneyaal ah ay xireen markii lagu helay 376 walxo qarxa ah.

Howlgalada oo bilowday 28-kii September 2019 ayaa waxaa ku dhaawacmay laba askari xili uu ku geeriyooday mid kale.

Warka qoraalka ah laguma fahfaahin cidda ay ka tirsan yihiin dagaalameyaasha la qabtay iyo kuwa la sheegay in la dilay.

Xasaradaha Sanca ayaa cirka isku sii shareeray markii madaxweyne Mohamed Morsi, oo kamid ahaa ururkii Ikhuwaanu Muslimiin, ay milatariga afgembiyeen 2013-kii. Mursal ayaa dhintay sanadkan.

Sanadkii 2017-kii, waqoyga Sanca waa meeshii uu ka dhacay weerarkii ugu dhimashada badnaa taariikhda casriga ah ee Masar, halkaas oo dagaalameyaal ay ku khaarijiyeen 300 oo Masaajid ku jiray.

Illaa iyo hadda kooxna ma sheegan cidna laguma eedeyn dowladdana kama hadlin xasuuqaas lagu laayey Muslimiintaas.

Bishii Febraayo 2018-kii, ciidamadda oo howlgalo ka sameeyay gobolkaas ayaa beegsaday kadibna xididaha u siibay ururo la tibaaxay in ay gacansaar la laaheeyn kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM