Milatariga Suudaan oo diidey in ay xabad-joojin sameeyaan Soonka

Image
Ciidamadda Qalabka Sida ee Suudaan ayaa xabad-joojinta shuruud uga dhigay in la kooxda RSF ka baxdo magaalooyinka.

KHARTUUM, Suudaan - Ma jiri doonto wax xabbad-joojin ah oo Suudaan ka dhici doonta bisha barakeysan ee Ramadaan haddii aysan kooxda Rapid Support Forces (RSF) aysan ka bixin guryaha iyo goobaha dadka rayidka ah, sidda uu sheegay General Yasser al Atta oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Suudaan.

Hadalkan ayaa daba socda codsi ka yimid golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku aaddan xabbad joojinta bisha Ramadaan, taasoo billaabanaysa toddobaadkan.

RSF-ta militariga ayaa sheegtay inay soo dhaweynayaan baaqa xabbad joojinta.

Bayaanka Al Atta, oo lagu daabacay Telegram-ka rasmiga ah ee ciidanka, ayaa lagu sheegay horumarada militari ee dhawaan ay ciidamadu ka sameeyeen magaalada Omdurman, oo kamid ah caasimadda guud ee Sudan.

Waxay sheegtay inaysan jiri karin xabbad-joojin bisha Ramadaan ilaa RSF ay u hoggaansanto ballan-qaadkii bishii May ee sannadkii hore ee wadahadalladii Sucuudiga iyo Maraykanku dhexdhexaadiyeen ee Jeddah ee ahaa inay ka baxaan guryaha rayidka ah iyo xarumaha dadweynaha.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in uusan jirin door uu ku yeelan karo Mohamed Hamdan Dagalo, hogaamiyaha RSF ee loo yaqaan Hemetti, siyaasadda mustaqbalka ama militariga Suudaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM