Milatariga Suudaan oo lagu eedeeyay duqeynta xarun jaamacadeed

Image
Goobtan ayaa lagu waramay in ay gabaad ka dhiganayeen ajaaniib ku go'doomay colaada ka taagan dalkan.

KHARTUUM, Suudaan - Toban qof oo u dhashay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa lagu dilay weerar ay ciidanku ku qaadeen xarun jaamacadeed oo ku taalla dalka Suudaan, sidda ay sheegtay xukuumadda Congo.

Sidda ku xusan war-saxaafadeed ay soo saartey Congo, waxaa la sheegay in dadkan ay ku dhinteen duqeymo gelinkii dambe ee Axadii ka dhacday Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika ee Khartuum.

"Waxa aad noo dhibaya ayaa ah in ay ahaayeen ciidankii caadiga ahaa kuwa geystay duqeynta iyadoo la og yahay inay halkaas ku sugan yihiin ajaanib," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Congo.

Xoogaga hubeysan RSF ee ka soo horjeeda milatariga Soomaaliya ayaa todobaadyo ciidamadda rasmiga ah ee waddankaas waxay kula dagaalamayaan qeybo kamid ah xaafadaha caasimadda Sudan

Maleyshiyaadka Gurmadka Degdegga ah (RSF) ayaa saldhigyo ku leh xaafado badan oo magaalada ah, kuwaas oo u badan in ciidamadu ay hawada ka soo weeraraan.

Ma cadda in dadka lagu dilay duqeynta Axadii ay ahaayeen arday jaamacadeed. Waxa laga yaabaa in ay ahayd meel ku dhex taal jaamacadda ama agagaarka jaamacadda oo ay magangelyo ka raadsadeen ajaanib kala duwan.

Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Filippo Grandi ayaa Twitter-ka ku soo qoray in uu ka naxay in 10 qof oo qaxooti ah ay ku dhinteen weerar ka dhacay magaalada Khartoum, isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

RSF, oo dagaal xooggan kula jirta ciidamada, ayaa sheegtay - wax u muuqda mid tixraacaya isla weerarkaas - in duqeynta Axaddii ay ka dhacday goob ay ku sugnaayeen qaxooti Afrikaan ah waxayna ka dhigeen geerida 25 qof reer Congo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashada Itoobiya waxay muujisay rabitaanka dimuqraadiyadeed ee dadka

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay ururku uga go’an tahay taageeridda dimuqraadiyadda dalalka xubnaha ka ah.

  • Afrika

    23-06-2026

  • 01:00PM

Kenya oo soo Gabagabeysay Tababarka Ciidamo loo Dirayo Howlgalka Cusub ee Soomaaliya

Tababarkan rasmiga ah ee ka hor daadgureynta oo ka dhacay Dugsiga Ciidanka Lugta ee Isiolo, ayaa diiradda lagu saaray u diyaargarowga dagaalka.

  • Afrika

    22-06-2026

  • 08:18PM