Milatariga Suudaan: Shareecada Islaamka ayaa hageysa xeerarka kale

Image

KHARTUUM, Suudaan – Milatariga haya xukunka dalka Suudaan ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Shareecada Islaamka ay udub-dhaxaad u tahay sharciyada kale ee wadankaasi.

Golaha tobbanka xubnood ka kooban ee ku meel gaarka ah ayaa hadalkaan sheegay iyaga oo ka jawaabaya dastuur qaybyo ah oo ay soo jeediyeen Isbaheysiga ay horkacayaan xisbiyada siyaasada iyo dibad-baxayaasha.

Ciidanka ayaa tilmaamay in dastuurka qabyo qoraalka ah laga saarey Shareecada Islaamka, taasi oo ay tibaaxeen in uu qashinka ku darayo dhamaan sharciyada kale ee dalkaasi u yaalla.

"Arag-tideenu waa Shareecada Islaamka, caadooyinka iyo dhaqanka Jamhuuriyada Suudaan waxa ay noqon doonaa bu'da xeerarka kale," ayuu yiri Shams al-Din Kabashi, afhayeenka Golaha ku meel gaarka ah.

Dastuurka haatan u degan dalkaasi Waqooyi-bari qaaradda Afrika dhaca ayaa wuxuu xeerinayaa in Shareecada Islaamka ay tahay mida hageysa xeerarka kale ee Suudaan.

Hadalka golaha haya awooda dalka Suudaan ayaa kusoo beegmaya iyada oo mudooyinkii dambe ay xisbiyada siyaasada iyo kooxaha kacdoonka hogaaminaya ay wadeen dadaalo wax ka bedel loogu sameynayo dastuurka dalkaasi.

Suudaan ayaa ku jirta xaalad degdeg ah oo soconeysa muddo saddex sano ah, taasi oo ka dambeysay markii afgambi xukunka looga tuuray Cumar Xasan Al-Bashiir, kaasi oo haatan xabsi ku jira.

Al Bashiir oo talada hayay in ka badan 30-sano ayaa waxaa galaaftay mudaaharaadyo ka bilowday maciishada nolosha oo korortay, taasi oo ay hogaaminayeen xisbiyada siyaasadda iyo Ururada Shaqaalaha.

Tan iyo markii ay talada la wareegeen, kooxaha kacdoonka horkacayey ayaa ka codsanayey ciidanka in ay talada ku wareejiyaan dowlad rayid ah, taasi oo milatariga la sheegayo in uu ka cagojiidayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM