Mucaaradka Jabuuti oo digniin culus kasoo saarey heshiiska Eritrea

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

JABUUTI - Inkastoo mucaaradka uu soo dhaweeyay dadaaladda lagu heshiisiinayo Jabuuti iyo Eritrea, ayaa haddana waxa uu uga digay Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle inuu ku deg-dego qaabka lagu soo afjarayo colaada labadda dal.

Wasiiro arrimo dibadeedyadda Ethiopia iyo Soomaaliya oo uu wehliyo midka Eritrea ayaa todobaadkii hore booqasho lama filaan ku tegay Jabuuti, iyaga oo kala soo hadlay soo gabagabeynta xiisadaha.

Heshiis la sheegay inuu horudhac uyahay dadaaladda lagu soo gabagabaynyo colaadda labada dal ayey Magaalo madaxda Jabuuti kusoo saxiideen dhinacyadda, waxaana soo dhaweeyay arrintaasi sjhacabka labada dal.

Cabdiraxmaan Maxamed Geelle, oo kamid ah hogaanka mucaaradka ee Jabuuti ayaa sheegay in arrimaha socda ay jiraan waxyaabo kale oo "ka qarsoon" Madaxwaynaha Jabuuti, taasoo uu sheegay inay tahay in la cadeeyo.

Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayuu uga mahad-celiyey siday isugu howleen inay soo afjaraan colaadaha haatan socda, wuxuuna cod dheer ku qeexay inay tahay talaabado nabad iyo xasilooni ukeenaysa gobolka.

"Hadii aysan jiri lahayn arrimo qarsoon, muxuu shirku uga dhici waayey Addis Ababa, sababtoo ah waxaa la ogyahay in Ismaaciil Cumar Geelle tegi karin Asmara; Maxaase Jabuuti loogu dari waayey Gollaha Nabada ee Eritrea lagu soo dhisay," ayuu Cabdiraxmaan Geelle u sheegay VOA-da.

Jabuuti iyo Eritrea oo ay colaado ka dhaxaysay tan iyo sanadkii 2008-dii ayaa isku haya lahaansha dhul ku yaala xuduudka ay wadaan labaddaan dal, laakiin dadaalada ay wadaan dalalka Geeska Afrika ayaa la odorsayaa inay soo gabagabayn karto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM

Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 08:34AM