Mudaaharaad naadir ah, Dadka Masar oo dalbanaya in uu is-casilo Sisi

Image

QAAJIRA, Masar – Dibad-baxayaal dimoqraadiyad doon ah ayaa isugu soo baxay goobo kala duwan oo ku yaala Masar, Jimcadii, iyaga oo dalbanaya in uu is-casilo madaxweyne Cabdel Fataax el-Sisi.

Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshadda ayaa muujiyey mudaaharadayaasha oo ku qeylinaya "sarre u kaca, cabsi la'aan, Sisi waa waajib in uu baxo iyo dadka codsigooda waa in uu dhaco taliska".

Banaanbax ayaa laga soo warinayaa magaalooyinka ay kamid tahay magaala madaxda waddankaas Carbeed ee Qaahira, Alexandria, caasimadda labaad ee ugu weyn, iyo Suez.

Booliska aan dareeska waddan, oo durba kusoo baxay ayaa waxay is-hortaageen dibadbaxayaasha oo isku dayey in ay ku kulmaan fagaaraha caanka ah ee Taxriir.

Taxriir, waa halkii ay ka bilowdeen isu soo baxdiyadii sanadkii 2011-kii, kuwaasi oo curmaayiyey madaxweyne Xusni Mubaarak.

Warbaahinadda qaarkood oo laga mamnuucay in ay kasoo waramaan gudaha Masar ayaa yareyneysa in la helo xogta saxda ah, wallow ay usoo baxayaan qaab goos-goos ahaan.

Wararka qaarkood, oo aysan laamaha ammaanka wali ka jawaabin, ayaa waxay sheegayan in ay jiraan banaanbaxayaal xabsi loo taxaabay.

Mudaaharaadka ayaa imaanaya iyadda oo Ganacsadaha si iskiis ah musaafuriska ugu jooga Spain ahna Jilaa, Maxamed Cali uu ku eedeeyay el-Sisi musuqmaasuq kuna baaqay banaanbax.

Sikastaba, El-Sisi oo dafiray eedeymahaas ayaa ku tilmaamay "been" iyo isku day la doonayo in lagu sumcad dilo isaga, Jeneraaladda aadka ugu dhow iyo ciidamadda difaaca waddankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM