Mulkiile huteel oo la xiray laguna soo oogay dacwad "argagixisanimo ah"

Image

KIGALI, Rwanda – Muwaadin Ruwaandees ah kaasoo sumcad caalami ah ku helay badbaadinta qowmiyada Tutsis-ka xasuuqii 1994-tii ayaa xabsi loo taxaabay laguna soo oogay dacwad argagixisanimo ah.

Paul Rusesabagina oo kasoo jeeda qowmiyadda Hutu-ga ayaa wuxuu ku guuleystay abaalgadyo kala duwan oo dhanka bini'aadanimadda ah.

Biladda ay bixiso Madaxtooyadda Mareykanka ee dhanka xorriyadda ayaa kamid ah abaalmarinta uu ku muteystay in uu huteelkiisa gabaad ku siiyey dad kasoo jeeda qowmiyada Tutsis intii colaadu socotay.

Rusesabagina oo laga jilay filim loogu magac-daray "Hotel Rwanda" ayaa lagu eedeeyay argagixisanimo, gubid, afduub iyo dil, ku tacadiga dad aan hubeysneyn waxna galabsan oo ku sugnaa dhulka Rwanda.

Xafiiska Dambi-baarista ee Rwanda ayaa soo bandhigay eedeymahaan, wallow uusan bixin tafaasiil dheeriya oo tooshka ku ifin karta xudunta.

Dowladda ayaa Isniintii waxay warbaahinta u soo bandhigay Rusesabagina, kaasoo musaafuris ahaan ugu noolaa deriskooda Democratic Republic of Congo, halkaasoo uu ka aas-aasay jabhad.

Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Paul Kagame oo wajaheysa in ay aamusineyso mucaaradka ka aragtida duwan ayaanan fahfaahin dheeraad ah ka bixin qaabka ay ugu suurtagashay qabashada Paul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM