Museveni oo ka cudurdaartey hadalkii wiilkiisa ee "ku duulida" Kenya

Image
Madaxweynaha Uganda ayaa raaligelinta si toos ah wuxuu ugu hagaajiyey dhigiisa William Ruto.

KAMPALA, Uganda - Maalmo un kadib markii wiilkiisa uu kiciyay duufaano kala qeybsanaan ah, madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa waxa uu raaligelin siiyay madaxweynaha Kenya William Ruto.

"Waxaan ka codsanayaa walaalaheen Kenya inay naga cafiyaan qoraallada uu soo diray General Muhoozi, Taliyihii hore ee Ciidamada Dhulka ee halkan, ee ku saabsan arrimaha dalkaas," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Sax maaha in madaxda dawladu - ha noqoto rayid iyo ciidanba - in ay si uun uga hadlaan ama u soo farageliyaan arrimaha gudaha ee wadamada walaalaha ah".

"Madasha kaliya ee sharciga ah ee la heli karo waa habka dib u eegista asxaabta ee Midowga Afrika, ama isdhexgalka qarsoodiga ah ee dhexdeena ah ama EAC iyo AU forum - maaha faallooyin dadweyne," ayuu tibaaxay.

Isagoo ku hanjabay in uu Kenya soo weerari doono oo uu Nairobi qabsanayo, General Muhoozi Kainerugaba waxa uu ku andacoodey in hawlgalku aanu qaadan doonin wax ka badan "laba toddobaad".

"Annaga, aniga iyo ciidankaygaba naguma qaadan lahayn, laba toddobaad in aan Nairobi ku qabsanno," ayuu Kainerugaba soo qoray, isaga oo tixraacaya caasimadda Kenya.

Kaineruga, oo si weyn loogu tixgaliyo inuu yahay madaxa rasmiga ah ee millatariga iyo dhaxal-sugaha uu doortay aabbihii, ayaa markii dambe wuxuu sheegay in faallooyinka ay ahaayeen kuwo kaftan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM