Mustafa oo fahfaahiyay kulan uu la qaatay saraakiisha Liyuu Boolis

Image
JIG JIGA- Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafa Maxamed Cumar ayaa fahfaahin ka bixiyay kulan uu la yeeshay saraakiisha goboladda ee ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Liyuu Boolis.
 
Kulanka oo ka dhacay xarunta degaanka ee Jigjiga ayaa diiradda lagu saarey amaanka, soo celinta kala dambeynta, iyo shaqaaqooyinkii ugu dambeeyay ee gobolka ka dhacay kuwaasoo sababay kahsaarooyin Hantiyadeed iyo waliba mid Nafeed.
 
Madaxwayne Cagjar oo kulanka kadib soo dhigay boggiisa rasmiga ah ee Twitter qoraal kooban oo kulankaan ku saabsan ayaa shaaca ka qaaday inuu kusoo dhamaday shirkooda si wanaagsan, ayna isla meel-dhigeen dhamaan qodobadda ay ka wada hadleen.
 
Wuxuu carabka ku dhuftay in saraakiisha Liyuu Boolis ay u balanqaadeen isaga inay xushmayn doonan sharafta dadka iyo dhulka Soomaali Galbeed, islamarkaana ay ka fogaan doonan dhamaan wax walba oo u keenaysa hoos u dhaca degaanka.
 
Kulankaan gaarka ah oo uu Cagjar la yeeshay saraakiisha Liyuu Boolis ayaa daba socda kulamo uu horey ula yeeshay Madaxwaynaha Taliska ugu sareysa ciidanka, kuwaasoo uu kala hadlay sidii looga gudbi lahaa wax kasta oo horey usoo dhacay.
 
Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ka socda isbedal si xowli ah ku socda, kaasoo yimid kadib markii Milatariga Federaalka ay si xoog ah ku qabsadeen Jigjiga bishii hore, iyaga oo xabsi dhigay Madaxwaynihii hore ee DDSI, Cabdi Ilay iyo Lix xubnood oo lasoo shaqaysay.
 
Madaxwayne Cagjar ayaa isbedalo ku sameeyay hogaanka Hay'addaha amaanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, isaga oo umagacaabay Taliyaal cusub, taasoo ka dambeysay markii intii uu jiray maamulkii Cabdi Illay ay geysteen Xad-gudubyo ka dhan ah Aadanaha.
 
GAROWE ONLINE 

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM