Mustaqbalka Ciidamada Liyuu Boolis oo war laga soo saarey

Image

JIGJIGA - Taliska ciidanka Federaalka ee dowladda Itoobiya ayaa gaashaanka ku dhuftay warar leysla dhex-maryo, oo ku saabsan in la kala dirayo ciidamada gaarka u ah dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaan Liyuu Boolis.

Sarkaal aanan magaciisa la shaaciyay oo ay soo xigatay Jariiradda Addis Standard ee kasoo baxa gudaha dalka Itoobiya waxa uu ka dhawaajiyay ciidamadda ay sii jiri doonan, islamarkaana aanan hadda qorshaha ugu jirin arrimaha la sheegayo.

Wuxuu tilmaamay in ciidamadda ay qayb ka yihiin kuwa u diiwaan-gishan dowladda Itoobiya, aanan hadda jirin sababo ku qas-beysay inay kala diraan, inkasta oo uu qiray inay jiraan cabashooyin dhowr ah oo ay kasoo gudbiyeen dadka degaanka.

"Waxba kama jiraan warka ku saabsan in la kala dirayo ciidamadda Liyuu Boolis. Waxaan aragnaa inay yihiin kuwa muhiim u ah amaanka gobolka Soomaalida Itoobiya, waana ciidamo sharciyeysan oo kuwa qaranka ka tirsan," ayuu yiri sarkaalka.

Hadalka kasoo yeeray Taliska ayaa kusoo beegmayaa xili xiisad ay ka jirtay maalmihii udambeeyay degaanada hoos-yimaada DDSI taasoo sababtay inuu is-casilo Madaxwaynii hore ee degaanka, Cabdi Maxamuud Cumar.

Ciidamada Liyuu ayaa la unkay markii uu dowlad deegaanka Soomaalida majaraha u qabtay Madaxweynihii dhowaan xilka baneeyay ee Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana tirada ciidamadaan lagu sheegayaa inay tahay 45,000 [45-kun] oo askari.

Warka kala diridda ciidamadda ayaa waxaa markii ugu horeysay baahiyay Telefeshanka rasmiga ah ee dowladda Itoobiya, kaasoo loo yaqaan ETV, taasoo sababtay inuu durbadiina si xowli ugu faafo dhulka Soomaalida, wallow haatan ka beeniyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: RSF ay weerar ku qaadey saldhig ciidan iyo garoonka diyaaradaha ee Port Sudan

Xogtaasi waxay muujisay in diyaaraddaas oo kasoo kacday garoonka caalamiga ah ee Dubai ay ku wareegtay Badda Cas.

  • Afrika

    04-05-2025

  • 12:32PM

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM