Mareykanka iyo Ingiriiska oo muwaadiniin looga dilay weerarkii Hotel-ka Nairobi

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Mas'uul ka tirsan wasaarada arrimaha dibada Mareykanka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in Muwaadin Ameerikaan uu kamid ahaa dadkii lagu dilay weerarkii lagu qaaday Hoteelka ku yaala caasimada Kenya.

Sidoo kale, dowladda Ingiriiska ayaa xaqiijiysay in muwaadinin dalkeeda kasoo jeeda uu kamid yahay dadka weerarka lagu dilay.

Weerarkaan oo ay fuliyeen afar ruux oo mid kamid ah uu is-qarxiyay ayaa lagu beegsaday dhismaha Riverside gaar ahaan Hoteelka Dusit-ka 2aad, kaasi oo ku yaala degmada Westland ee magaalada Nairobi.

Inta la xaqiijiyay 15 ruux oo shacab u badan ayaa ku geeryootay, halka ay ku dhaawacmeen 35 kale, kuwaasi oo la dhigay goobaha caafimaadka, iyada oo wararku ay sheegayaan inay ku jiraan qaar halis ah.

Dadka dhintay waxaa kamid ahaa labo muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay Faysal iyo Cabdullaahi, oo xiliga uu weerarku dhacayay ku sugnaa Hoteelka.

Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Ururka Al-Qaacida ayaa dhabarka saaratay mas’uuliyadda, iyadda oo tilmaamtay inay ku khaarijisay 47 ruux, inkasta oo tiradaasi aysan xaqiijin dowlada Kenya.

Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkaan, iyadda oo midnimo umuujisay qaranka Kenya oo ay lasoo dareystay mid kamid ah dhacdooyinkii ugu dambeeyay oo ay Al-Shabaab ka fulisay gudaha dalkaas.

Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa waxay caan ku tahay safaaradaha, iyadda oo ay si lamid ah tahay meesha ugu badan oo ay dadka ushaqo doontaa, waxaana sicirka Hoteelada ay yihiin kuwa aad qaali u ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM