Muxuu Cali afar sano uga dhuumanayaa booliska iyo Shabaab?

Image

NAIROBI, Kenya – Muddo afar sano ah, noloshiisa wuxuu ku qaatay cabsi isagoo ay bowdada kaga jiraan xabado [rasaas]. Mar walba oo fariisato hareeraha Webiga Tana wuxuu soo xasuustaa maalintii uu weerar ka qeybgalay.

Maqaayad ku taala xaafada Islii ee Nairobi ayuu shaqaale ka ahaa. Maamulahiisa ayuu u wareejiyey mehrad kale oo uu ka hirgeliyey Gaarisa, halkaasoo uu ku yeeshay saaxiibo uu maleeyay in ay lacag haystaan.

Shaqadaas cusub ayuu ka noqdey maamule. Maalin ayaa loo sheegay in uu kormeero gaari xamuul ah oo shixnad u sida Ijara; Balse intii ay jidka ku jireen waxaa qafaashay dabley loo maleynayo Al-Shabaab.

Lix kale oo wehliyey waxaa lagu xiray qeybta dambe ee gaariga. Xero argagixisada leedahay ayaa la geeyay, halkaasoo lagu tababaray. Saaxiibo uu garanayey ayuu ku arkay saldhiga, arrintaas waxay gelisay rajo.

Tababarka kadib, dhowr jeer ayaa la siiyey layli uu weerar ku fuliyo waxaa kamid ahaa duulaanadii Ceel Cadde iyo Jaamacada Gaarisa. Hase ahaatee, wuxuu ku guuldareystay intii ay ku guda jireen isku diyaarinta.

Xilli Islii ay ahayd meeshii lagu xagjireeyay, mar walba oo uu waydiiyo goorta uu ku laabanayo hoygooda, waxaa loo sheegayey in ay ku xiran tahay weerar uu ka qeybgalo.

Kolkii dambe, wuxuu qeyb ka ahaa koox weerartay saldhiga ciidamadda booliska Gamba, halkaasoo uu shaaca ka dhigay in ay ka afduubteen sarkaal iyo howlwadeen.

Ka bixitaankiisa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida waxay bilaabatay 2016-kii markii fursad loo siiyey in uu ku biiro maleyshiyada weerartay saldhiga Ceel Cadde.

Dabley Al-Shabaab ah oo ciidamadda Kenya ku weeraray degaanka xuduudka dhaca ee Ijara ayuu kamid ahaa, halkaasoo uu si dirqi ah uga badbaaday iska hor-imaad xoogan oo dhowr daqiiqo u dhaxeeyay dhinacyada.

Maadaama ciidanka aysan aqoonsan, haddana erayo laga helayo ayaa loo adeegsanayaa dabin lagu soo xira geliyo. Lama soo bandhigin macluumaadkaas, maadaama ay la xiriirto howlo nabad-sugid ama sirdoon.

Ninkan aan ka hadleyno waa Cali, oo ka dhuumanaya Al-Shabaab iyo booliska Kenya, maadaama midkood uu ku metelay jiida hore ee dagaalka, halka kan kelana uu kaga hor-yimid, wuxuuna u waramay Daily Nation.

"Lix kamid ah saaxiibadey waa la toogtay, halka ku dhowaad todoba kale waa la dhaawacay, laba kelana waa la qabtay. 65 loo diray shaqo, waxaa kaliya soo laabtey 35 kamid ah; Qaarkeena waan soo baxsanay " ayuu yiri.

Intii iska hor-imaadka socday, laba jeer ayaa laga toogtay bowdada. Nasiib ayuu u yeeshay in aysan qaban ciidamada oo afar bilood kadib weerarkaas tegay hoygiisa, wuxuu isku qariyey mooro [xerada xayawaanada].

Cali aad ayuu ugu faraxsan yahay in uu nool-yahay. Hase ahaatee, afar sano oo uu xor-yahay kuna nool-yahay degaanka Majengo ee ku teedsan Webiga Tanna, wuxuu u dhaxeeyaa in uu is-dhiibo iyo walwalka beegsiga Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM

Madaxweyne Ruto oo Booqday Shiinaha Xilli Madaxweyne Trump Canshuurro Dul Dhigay Badeecadaha Afrika

Safarka Ruto ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanku uu dhaqangeliyay canshuur…

  • Afrika

    22-04-2025

  • 07:56PM