Muxuu yahay abaabulka ay Eritrea ka bilowday xadka Itoobiya?

Image
Inta badan isgaarsiintii gobolka Tigray ayaa hawada ka maqneyd in ka badan hal sano.

Sawirada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya in isu-urursi ciidan uu bishan ka socday magaalooyinka labada dhinac ee xuduudka woqooyi ee Itoobiya ay la wadaago Eritrea, sida ay sheegtay shirkad madax-bannaan oo Mareykan ah Arbacadii.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo qortay warbixintan ayaa sheegtay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin karin sawirada muujinaya dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo la sheegay inay ka danbeeyeen burburkii xabbad-joojin shan bilood ah oo ka socday gobolka Tigray ee Itoobiya 24-kii Agoosto.

Ciidamada Tigreega ayaa dagaal kula jira ciidamada federaalka Itoobiya iyo xulafadooda oo ay ku jiraan ciidamada Eritrea iyo dagaalyahanno kasoo jeeda gobollada deriska la ah Itoobiya, dagaalkaas oo socday ku dhawaad labo sano.

Sawirrada la helay 26-kii Sebtember ayaa muujinaya ciidamo milateri, gaadiid iyo madaaficda goobta oo ku sugan magaalada Shiraro, oo u dhow xudduudda waqooyi ee Tigray ay la wadaagto Eritrea, sida ay sheegtay Maxar Technologies Inc, oo ururisa ama daabacda sawirka dayax-gacmeedka ee gobolka.

Inta badan isgaarsiintii gobolka Tigray ayaa hawada ka maqneyd in ka badan hal sano.

Ciidamada Tigreega ayaa 13-kii Sebtembar sheegay in ciidamada Eritrea oo ka barbar dagaalamayay askarta Itoobiya ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Shiraro tan iyo markii uu dagaalku soo cusboonaaday balse waxay sheegeen in dib loo jebiyay.

Masuuliyiinta Itoobiya iyo Ereteriya ayaan ka jawaabin codsiyo ku saabsan inay ka hadlaan dagaalkii dhawaan dhacay.

Ciidamada Eriteria ayaa taageeray millatariga Itoobiya wajiyadii hore ee dagaalka, laakiin dowladda Eriteria ma aysan xaqiijin ka qeyb galka dagaalka tan iyo markii ay burburtay xabbad-joojinta, balse waxay sheegtay horraantii bishan in qaar ka mid ah ciidamadeeda keydka dib loogu yeeray.

Reuters + VOA

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM