Muxuu yahay ujeedka shir shan casho soconaya oo ay ic-laamisay ONLF?

Image

JIGJIGA, Soomaali Galbeed – ONLF ayaa maanta oo Khamiis ah shaacisay in bartamaha bishaan April ay qabaneyso shirwaynihii ugu horeeyay tan iyo markii ay ku dhawaaqday xisbi siyaasadeed.

Sida laga soo xigtay war qoraal ah oo lasoo dhigay barta jabhada ku leeyahay Twitter-ka, kulanka oo soconaya 15-ka illaa iyo 19 April ayaa ka qabsoomaya magalaada Khabridahar ee dhulka Soomaali Galbeed.

"Ka qaybgalayaasha ayaa ka kala imaan doona dhamaan qaybaha ururka, iyada oo loo eegayo ururada bulshada, odayaasha dhaqanka iyo xubno kale oo muhiim ah," ayaa lagu yiri bayaanka kooban.

Isu-imaatinka ayaa diirada lagu sii saari doonaa istaraatiijiyada cusub ee ururka, kaasi oo looga soo rarayo urur hubeysan looguna badalayo xisbi siyaasadeed, sida lagu yiri war-saxaafadeedka.

"Waxaan rajeynayaa in shirka ay kasoo baxaan qodobo miro dhal u ah shacabka Ogadeen [Dowlad Goboleedka Soomaaliya]," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kasoo baxay Jabhadda ONLF.

Bishii Janaayo 2019 ayay ahayd markii ONLF ay si rasmi ah ugu dhawaaqday xisbi siyaasadeed oo uga qaybgalaya doorashada degaanka ka dhaceysa sanadka 2020-ka, taasoo ah qof iyo cod ah.

Tani ayaa ka dambeysay markii heshiis nabadeed ay kala saxiixdeen Jabhada iyo dowlada federaalka Itoobiya taasi oo meesha ka saartay colaad muddo soo socotay oo u dhaxeysay labada dhinac.

Bishii Febraayo, hogaanka ugu sareeya ONLF ayaa magaaladda Addis Ababa ku kulmay ra’iisu wasaare Abiy Axmed, kulan soo afjaray mad-madowgii jiray ayna is-dhaafsadeen xaaladahii jiray.

Shaacinta ONLF ee shirkaasi ayaa kusoo aadaya iyada oo Arbacadii lagu soo gabagabeeyay magaalada Jigjiga shirwaynihii 10aad ee xisbiga ka arimiya degaanka, kaasi oo gudoomiye iyo ku xigeen lagu doortay. [Halkaan ka akhriso fahfaahinta]

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda: Museveni oo mar 7aad u tartmayo kursiga, isagoo balan-qaadey inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa

Madaxweyne Museveni wuxuu xukunka la wareegay sannadkii 1986 kadib dagaal sokeeye oo shan sano socday.

  • Afrika

    29-06-2025

  • 04:09PM

Maxaabiis Soomaali kamid tahay oo sugaya in lagu fuliyo dil dalka Sacuudiga

Liiska magacyada la helay oo ay ku jiraan 43 Itoobiyaan iyo 13 Soomaali ayaa muujinaya tirada la xukumay.

  • Afrika

    29-06-2025

  • 09:12AM