Niger oo sheegatay dilka 55 xubnood ka tirsanaa kooxda Daacish

Image
Maleyshiyaadka ayaa lagu waramay in lagu khaarijiyey howlgal socday muddo 22-maalmood ah.

NAIROBI, Kenya - Ciidamada dalka Niger ayaa Isniintii sheegay in 55 maleyshiyaad oo ay ku jiraan dhowr hogaamiyeyaal oo sarsare oo xiriir la leh kooxda Daacish lagu dilay howlgal ay si wadajir ah ula sameeyeen dhigooda Nigeria.

Howlgalka oo socday muddo 22-maalmood ah, oo lasoo afjaray Axaddii, ayaa lagu bartilmaameedsaday kooxda ISWAP oo ku xooggan magaalada Arege, ee waqooyi-bari ee xuduudka Nigeria uu la wadaago dalka Niger.

"55-ka argagixisada mayalka adag ah waxaa ku jira dhowr sarkaal oo sare oo ka tirsan kooxda iyo sidoo kale dhowr hoggaamiye diimeed," ayay AFP kasoo xigatay saraakiil aysan magacaabin.

Tirakoobkan ayaa lagu sheegay warbixin uu taliska ciidamadda uu kasoo saarey hawlgallada ka socda gobolka Koonfur-bari ee Niger ee Diffa, oo ay aragtay AFP Isniintii.

"Hawlgalka dhulka iyo cirka ayaa ujeedadiisu ahayd in cadaadis lagu saaro maleyshiyaadka ISWAP oo la goynayo waddooyinka sahayda," ayaa war-saxaafadeedka uu intaa ku daray.

Inta la xaqiijiyay 2-askari ayaa ku geeriyootay 3-kalena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana la sheegay in la burburiyay 13-gaari, 13-mooto iyo 5-gaari oo kuwa Booby-da ah.

Gobolka ballaaran ee harada Chad, oo ay wadaagaan Nigeria, Niger, Cameroon iyo Chad, ayaa caan ku ah gabaadka jihaad doonka ah ee Boko Haram iyo ISWAP, oo ay iska soo horjeedaan.

Afarta dal ee xuduudka la leh harada ayaa sameeyay ciidammo caalami ah oo ka hortaga jihaad-aloosyaasha sannadkii 2015. Gobolka Diffa ee Niger ayaa ka mid ah meelaha ay ka dhaceen weerarrada ugu badan ee jihaad-aloosyaasha sannadihii la soo dhaafay, laakiin waxa ay ahayd mid deggan tan iyo bilowgii 2023-ka, sida ilo amni ay u sheegeen AFP.

Niger oo ka mid ah wadamadda ugu faqiirsan adduunka ayaa sidoo kale wajahaya kacdoonno jihaad-aloosyaasha oo ka socda Koonfur-galbeed, kaasoo ay billaabeen malayshiyo weerarro ka soo qaaday dalka Mali sannadkii 2015-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM

Midowga Afrika: Doorashada Itoobiya waxay muujisay rabitaanka dimuqraadiyadeed ee dadka

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay ururku uga go’an tahay taageeridda dimuqraadiyadda dalalka xubnaha ka ah.

  • Afrika

    23-06-2026

  • 01:00PM